Donald Trump oo sameysanaya bar bulsho u gaar ah

Image
Trump ayaa laga mamnuucay ama laga joojiyay shabakadaha bulshada sida Twitter iyo Facebook.

WASHINGTON, USA - Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay qorshe uu ku furayo shabakad cusub oo baraha bulshada ah taasoo lagu magacaabo TRUTH Social.

Wuxuu sheegay in madasha “ay kasoo horjeedo dulmiga tiknoolajiyadda weyn”, isagoo ku eedeeyey inay ka aamuseen codadka iska soo horjeeda ee Mareykanka.

Kooxda Trump Media & Technology Group (TMTG), oo uu guddoomiye u yahay, ayaa sidoo kale damacsan inay bilaabaan aalad aad wax ku dalban karto si muuqaal ah.

Trump ayaa laga mamnuucay ama laga joojiyay shabakadaha bulshada sida Twitter iyo Facebook markii taageerayaashiisa ay xoog ku galeen Capitol-ka Mareykanka bishii Janaayo.

Trump iyo la -taliyayaashiisa ayaa tan iyo markaas dhowr jeer waxay ka dhawaajiyeen inay qorsheynayaan inay abuuraan goob baraha bulsho ah oo kasoo horjeeda kuwa haatan jira.

Horaantii sanadkaan haatan sii dhamaanaya ee 2021-ka, Trump ayaa wuxuu bilaabay bar lagu magacaabo From Desk of Donald J Trump, oo inta badan loogu yeero blog.

Shabakadda ayaa la xiray wax ka yar hal bil kadib markii la bilaabay. Kaaliyihiisa sare Jason Miller wuxuu yiri "kaliya waxay kaalmo u tahay dadaallada ballaaran ee aan haysanno oo aan ka shaqeyneyno".

Daahfurka TRUTH Social oo la qorsheynayo asbuuca dambe ayaa la saadaalinayaa in ay noqon doonto mid bilaash ah saddexda bilood ee ugu horreysa 2022, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay TMTG.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM