Doon hub ka buuxo oo lagu qabtey xeebaha ku dhow dalka Somalia

Image
Image

PERTH, Australia- Ciidamada Badda Australia ayaa qabtey tiro badan oo hub ah, kuwasoo ay ku jiraan 2000 qori AK-47, dooni kuwa kaluumeysiga ah ee ku sugnayd biyaha gacanka Carbeed.

Markabka la yiraahdo HMAS Darwin ayaa ciidamadiisa waxa ay dushiisa fuuleen doontaan kaluumeysiga oo mareysay markaas meel ku dhow xeebta dalka Oman iyadoo laga heley qoryaha loo yaqaaan AK-47 kuwasoo la sameeyey sanadkii 1989, 100 qoryaha lagu rido basuukaha, 49 boobe iyo hub kale kuwasoo lagu qariyey shaabagaha kaluumeysiga.

Saanadaan ayaa la qabtey iyadoo la adeegsanayo fasaxa Qaramada Midoobey ee cunaqabatey Hubka saaraan Somalia. Doontaan ayaa ku wajahneyd dalka Somalia sida uu sheegey ku xigeenka sarkaalka hogaaminayey howlgalkaan David Johnston kaasoo xusey in ay aheyd talaabo muhiim ah kadib markii Markabkaan dhowaan ku soo biirey howlgalada lagu sugayo amniga kuwasoo lagu dagaalamayo kooxaha argagixisada ah ee ka howlgala gobolkaas.

Ku guuleysiga qabashada hubkaan ayaa hoosta ka xariiqeysa baahida loo qabo in doonyaha kaluumeysiga lagu sameeyo baaritaano" sidaas waxaa yiri ku xigeenka howlgalka ciidamada Australia ka wadaan xeebaha Somalia.

Doonyaha kaluumeysiga oo faraba'an ku haya kaluunka Somalia ayaa intooda badan waxaa laga leeyahay dalka Iran kuwasoo ka howlgala xeebaha Puntland.

Puntland oo deegaanadeeda hoos timaado xeebta ugu dheer Somalia ayaa waxaa si sharci daro uga kaluumeysta doonyo laga leeyahay dalka iran kuwasoo wakiilo ka yihiin shaqsiyaad Somali ah ayaa la rumeysan yahay in hub iyo arrimo kale ee sharci daro ah keenaan.

Dhulka xeebta Puntland ayaa waxaa sidoo kale ku dhumaaleysta kooxaha argagixisada ah iyo kuwo ka tirsanaan jirey burcad badeedka laga adkaadey.

Warsidaha GAROWE ONLINE ayaa xogtaan inteedeeda badan ka soo xigtey waregeyska WESTEREN AUSTRALIA TODAY 'WA TODAY'

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM