Dowlada Pakistan oo iska fogeysay in ay taageerto Taliban

Image
Ra'iisul wasaare Imran Khan ayaa sheegay in xalka colaada Afghanistan uu ku jiro dowlad loo-dhan-yahay. [Photo: Online]

ISLAMABAD, Pakistan - Ra'iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa beeniyay wararka sheegaya in dagaalameyaal u dhashay dalkaas ​​ay ka gudbeen xadka Afghanistan "si ay uga caawiyaan kooxda Taliban dagaalka ay kula jirto dowladda Kabul".

"Tani waa wax aan micno lahayn," ayuu Khan Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay ku yiri wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo uu siiyay bar-baaraha 'PBS NewsHour' Judy Woodruff.

Khan ayaa sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey in Baakistaan ​​ay soo gaartay dhibaato aad u baaxad weyn intii lagu guda jiray dagaalkii dheeraa ee Maraykanka ee Afghanistan.

Dowladiisa ayuu tibaaxay aysan u ogolaan doonin Mareykanka inuu saldhigyo ka sameysto gudaha Pakistaan "​​si ay u qabtaan howlaha sirdoonka ama ay u fuliyaan howlgalo ka dhan ah jabhadaha".

"Ma lihin awood aan ku yeelanno dagaal kale oo ka dhaca xuduudaheena, iyo wax argagaxiso ah oo dalkeena ka dhaca," ayuu si cad carabka ugu adkeeyay Imran Khan.

Wuxuu ku daray: "Markii aan ku jirnay joogga dagaalkaas argagixisada, oo ay Pakistan ku biirtay, waxaa jiray qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacayay waddanka oo dhan. Ganacsigii ayaa burburay, dalxiiskiina wuu burburay. Marka waxaan dooneyno inaan qeyb ka noqono wax khilaaf ah".

Khan ayaa sheegay in Pakistan ay ku riixday Taliban inay kala xaajoodaan Mareykanka joojinta colaada Afghanistan wuxuuna intaas ku daray in natiijada ugu wanaagsan ee siyaasada Afghanistan ay tahay "dowlad loo dhan yahay".

"Tani waa natiijada ugu fiican. Ma jirto natiijo kale maxaa yeelay xalka milateri wuu fashilmay," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Khan kaasoo ku nuux-nuux-saday in uu dedaal badan gelinayo sidii Kabul u yeelan lahayd nidaam dowladeed oo loo dhanyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM