Dowladda Iran oo Calanka Sudan ku soo dhaweysay wafdi ka socday Falastiin

Image
Iran ayaa lagu eedeeyay inay ku andacooneyso taageerada dowlad aysan garaneyn calankeeda.

Tehran (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa wafdi ka socday Falastiin oo booqasho ku tagay Tehran, ku soo dhaweysaay Calanka dalka Sudan.

Calanka Suudaan ayaa ka soo muuqday kulan uu Xoghayaha Guud ee kooxda Jihaad, Ziad al-Nakhalah, la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Xuseen Caamir Abdollahian.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa iyaguna dhinacooda ku faafiyay sawiro muujinaya qaladka weyn ee ka dhacay dhanka Iran, waxaana dadka qaar ay sheegeen in Iran ay ku andacooneyso inay taageersan tahay in la dhiso dowlad aysan garaneyn calankeeda.

Mid ka mid ah dadka ka falceliyay ayaa qoray, “Waxay rabaan in ay taageeraan Falastiin inkasta oo aysan garaneyn calankeeda”

Tiro badan oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sidoo kale cambaareeyay fashilka wafdiga Falastiiniyiinta ee ka aamusay dhacdadan, isla markaana kulanka sii waday iyaga oo Calan qalad lagu matalay.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Duqa magaalada New York oo diiday in loo kordhiyo mushaharkiisa

Waxa uu Mamdani ka tirsan yahay Xisbiga Dimuqraadiga ah isla markaana hore uga tirsanaa Golaha Wakiillada Gobolka NY.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 07:48AM

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu fulinayo danaha Mareykanka iyo Israa'iil

Al-Xuuti ayaa ku andacooday in shacabka Falastiin ay yihiin kuwa ugu badan ee waxyeelladu ka soo gaartay siyaasadaha Sacuudi Carabiya.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 02:29PM