Dowladda Israa’iil oo ka qarisay dadkeeda xog muhiim ah

Image
Laba dagaalyahan oo ka tirsan Xamaas ayaa boosteejo basaska laga soo raaco ku dilay dad Israa'iiliyiin ah halkaas ku sugnaa.

QUDUS (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka amniga Itamar Ben Gvir ayaa qariyay faahfaahin ku saabsan weerarkii ka dhacay magaalada Qudus subaxnimadii Khamiista, oo laga baahiyay muuqaal si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.

Laba dagaalyahan oo ka tirsan Xamaas ayaa Subaxnimadii Khamiista yimid boosteejo basaska laga soo raaco waqooyiga magaalada Qudus, waxayna bilaabeen inay toogtaan dadkii ka dagayay baska.

Dowladda Israa’iil ayaa shaacisay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 12 kale, iyaga oo intaas ku daray in qof rayid ah iyo laba askari oo Israa'iiliyiin ah ay isla goobta ku toogteen kooxihii weerarka soo qaaday.

Balse waxaa soo baxday in labo askari oo Israa’iiliyiin ah ay toogteen ninka Israa'iiliga ee dilay mid ka mid ah Falastiiniyiinta weerarka soo qaaday.

Muuqaalka laga duubbay ayaa muujinaya isaga oo ka codsanaya ciidamada Israa'iil inaysan dilin una sheegaayo heybtiisa iyo in uu yahay Israa'iili balse rasaas lagu furay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM