Dowladda Jabuuti oo xiriirka u jartay Iran

Image

07 January, 2016(GO)-Bayaan kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed loogu jaray xukuumadda Tehraan, waxaana arrinta daba joogtaa weerar dad carraysan dhawaan ku qaadeen safaaradda Sacuudigu ku leeyahay xarunta dalka Iran.

Arrinta ayaa dadka siyaasadda odorosa ku sheegeen xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Sacuudiga inay ka dambayso tallaabadaasi.

Horray waxaa dalka Iran xiriirka diblomaasiyadeed u jaray waddamada carbeed qaybtooda sida; dalalka Saudi Arabia, Bahrain iyo Sudan, halka Imaaraadka Carabtana ay hoos u dhigeen xiriirka. 
Dhammaan afartan dal ayaa xubno ka ah ururka Jaamacadda Carabta, oo axadda qaban doono kulan gaar ah oo arrintan ku saabsan.

Xumaanshaha xiriirka waddamadan ayaa yimi kadib markii Boqortooyada Riyad dil u gaysteen 47 ruux oo lagu soo eedeeyay falal argagixiso, waxaana kamid ahaa wadaad dadka Shiicadda aad u qadariyaan kaasoo lagu magacaabi jiray Nimr Baqir al-Nimr.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM