Dowladda Somalia oo xiriirka u jartay Iran

Image

07 January, 2016(GO)-Dowladda Somalia ayaa shaacisay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay xukuuadda Tehran kadib kulan ay isugu yimaadeen golaha xukuumadda Somalia oo ka dhacay magalada Muqdishu.

Arrintan ayaa loo aaneeyay markii dowladda Iran lagu eedeeyay inay Somalia kawaday faafinta madhabka Shiicada, iyadoo dhawaan lasoo bandhigay labo ruux oo falkaas loo soo qabtay.

“Mas’uuliyiinta Safaaradda Iran iyo hay’adda Al Khudmeyni waxay si joogto ah u booqdaan degmooyin ka tirsan dalka, iyaga oo ogeysiinin wasaaradaha ku shaqada leh, waxayna isku dayeen inay abuuraan kooxo hubeysan oo la mid ah kuwa ka jira dalalka Yemen, Lubnaan iyo Ciraaq," Ayaa lagu xusay warbixinta wasaaradda Arrimaha Dibedda ka aqrisay shirka golaha xukuumadda Somalia.

Eedaha loo jeediyay Iran ayaa waxaa ka mid ahaa weerar dad caraysan ku qaadeen safaaradda Boqortooyada Sucuudiga ku leedahay magalada Tehran.

72 saac ayay u qabteen in dhammaan dublamaasiyiinta dalka Iran uga baxaan gudaha Somalia.

Maaha dowladdii ugu horraysay ee katirsan Jaamacadda Carabta taasoo xiriirka u jarta dalka Iran, waxaana tani sii xoogaynaysaa khilaafka salka ku haya madhabta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM