Dowladda Suudaan oo hakisay xubannimadii uruka IGAD & Ujeedada

Image
Arrintan ayaa ku soo beegantay hal maalin ka dib shir madaxeedkii IGAD.

Khartoum (GO) - Dowladda Suudaan ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay gebi ahaan hakisay xubinnimadii ay ku lahayd Urur Goboleedka IGAD, waxayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan xaqiijisay in dowladda Suudaan aysan khuseyn go’aan walba oo IGAD ka soo saarto arrimaha Suudaan.

Arrintan ayaa ku soo beegantay hal maalin ka dib shir madaxeedkii IGAD oo lagu qabtay caasimadda Uganda ee Kampala, kaasoo lagu go’aamiyay in muddo laba toddobaad ah loo qabto taliyayaasha Ciidammada Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, iyo Ciidammada Taageerada Degdegga ah, Maxamed Xamdaan Dagalo “Hemedti ,” si ay u yeeshaan kulan toos ah oo ay uga wadahadlaan joojinta dagaalka labada dhinac u dhexeeya tan iyo bartamihii bishii April.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan, Al-Burhaan waxa uu Sabtidii warqad u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Guili oo ah madaxa IGAD, isagoo ku wargeliyay go’aanka dawladda Suudaan ay ku joojisay xubinimadii ururkaasi.

GaroweOnline.

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM