Dowladda Suudaan oo ku dhawaaqday inay dhawaan la wareegi doonto Caasimada

Image
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa shaaca ka qaaday howlgal dhawaan bilaaban doona.

Khartoum (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan Cali Al-Saadiq Cali ayaa xaqiijiyay in howlgallada militari ee si buuxda looga xoreynayo Khartoum gacanta Ciidamada Taageerada degdegga ah ay dhawaan bilaaban doonaan.

Al-Sadiq Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri: “Waxaan rajaynaynaa in dhawaan war wanaagsan naga soo gaaro magaalada Khartoum, hadda waxay gacanta ku hayaan xaafado dhowr ah (RSF), waxaana awood u leenahay inaan uga saarno sida uga dhaqsiyaha badan”.

Dagaalka Suudaan ayaa qarxay bishii Abriil 2023 ka dib markii la isku khilaafay awoodaha ciidamada iyo Ciidamada Taageerada degdega ah RSF, taas oo qayb ka ah qorshe caalami ah oo lagu taageerayo isbedel siyaasadeed oo ay Shacaba ku hanan lahaayeen Xukunka.

Ciidamada iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaa awoodda Siyaasadda la qeybsaday shacabka ka dib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir, iyaga oo labo sano ka dib afgambi ku sameeyay Dowladii Rayidka ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiyaasha Yurub oo indhaha ku hayo Kulanka Trump iyo Putin ee ka dhacaya Alaska

Madaxweyne Putin ayaa weli ku dheggan dalabkiisii ahaa in Ukraine noqoto dal aan dhex dhexaad ahayn.

  • Caalamka

    13-08-2025

  • 12:54PM

Putin oo Kim Jong Un kala tashaday kulanka Trump ee ku saabsan dagaalka Ukriane 

Waa mar kale oo xiriir toos ah uu dhex maro labada hoggaamiye ee Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

  • Caalamka

    12-08-2025

  • 06:16PM