Dubai: Dab qabsadey markab ku xirtey dekada Jebel Cali

Image
Image
Image

ABU DHABI, Imaaraadka - Markab qaadda konteenarada kuna xirtay mid ka mid ah dekadaha adduunka ugu weyn ee ku yaal Dubai ayaa dab qabsaday goor dambe oo Arbacadii ah, sida uu shaaciyey maamulka maxalliga ah, ka dib markii uu qarax ruxay xarunta ganacsiga ee Imaaraadka Carabta.

Dabku ayaa sababay olol waaweyn oo oranji ah. Markab wuxuu ku yaalaa dekedda muhiimka ah ee Jebel Ali Port, oo ah tan ugu mashquulka badan Bariga Dhexe ku teedsan dhinaca bari ee Jasiiradda Carabta - laakiin mas'uuliyiinta waxay daaha ka rogeen in ay xakameeyeen xaaladda ayna damiyeen dabka.

"Dab ka dhashay qarax ka dhex dhacay koonteenar saarnaa markab yaalay Dekedda Jebel Cali ayaa la xakameeyay; wax khasaare nafeed ah lama soo sheegin," ayuu xafiiska warbaahinta ee Dubai (DMO) ku yiri Twitter-kiisa.

Gubashada ayaa dhalisay mowjado naxdin leh magaalada dhexdeeda, iyadoo ruxeysa dhismayaasha iyo daaqadaha xaafadaha goobu jirta marsadda illaa 25 kiiloomitir (15 mayl) dekedda.

Ugu yaraan saddex qof oo ka mid ah dadka deggan aagga uu qaraxu ka dhacay, oo aan illaa iyo hadda la ogeyn sababta keentay, ayaa lagu soo warramay in daaqadaha iyo albaabada guryahooda ay gilgishay dhacdadaas.

Ma jiraan wax war ah oo deg deg ah oo ku saabsan qasaaraha ka soo gaadhay dekeda, oo sidoo kale ah meesha ugu mashquulka badan ee laga soo waco maraakiibta dagaalka ee Ameerika ee ka baxsan Mareykanka.

Subaxnimadii Khamiista, xukuumadda Dubai waxay soo saartay bayaan ay ku sheegayso in kooxaha gurmadka ay xakameeyeen dabka. Maamulka ayaa soo dhigay muuqaalo baraha bulshada oo dab damiska ay ku jiraan konteenaro waaweyn oo xamuul ah isla markaana ay la tacaalayaan xaaladan.

Dekadan oo ay ku xiran yihiin maraakiibta ugu badan aduunka isla markaana muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamka waxaa maamusha shirkadda DP World taasoo marsadda u aqoonsan mid kamid ah ilaha ay dakhliga ugu badan ka hesho. Hase ahaatee, wali ma aysan caddeyn aragtideeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM