Dunida Imisa qof baa maalintii u dhimata qaniin-yadda Masaska?

Image

LONDON, UK - Masaska waa mid kamida xayawaanada dilaayaasha duurjoogta ah ee kownkaan saaran kuwooda ugu halista badan, markay timaado in laga hortago.

Hanaanka ugu badan ee dadka u dilaana waa qaniinyo, isaga oo ku mudaya miciyo uu afka ku leeyahay, kuna daadinaya jirka bini'aadamka suntiisa.

Sidda ku cad warbixin dhowaan lasoo saarey, guud ahaan caalamka waxaa qaniinyadda Maska maalintii u dhimata 200 ruux. Dadkaan tirada geeri ka badbaada aad ayey u yar tahay.

Warbixinta ayaa sheegaysa in qiyaastii 81,000 [Sideedan kow kun] illaa iyo 138,000 [Boqol soddon iyo sideed kun] oo dad ah ay sanadkii u dhimata qaniinyadda Maska.

Dadka ugu badan ee xayawaankaan uu dilo ayaa ku nool qaaradaha Aasiya iyo Afrika, gaar ahaan dhulalka lama degaanka ah.

Wellcome Trust, xarunta faaladaan diyaarisay, ayaa waxay sheegeysa in qaniinyada Maska ay sababaan dhimasho badan, daafanimo iyo cuduro kale.

Hay’adda caafimaadka aduunka oo warbixintaan ka fal-celisay waxay sheegtay in tani ay tahay halis caafimaad oo aadanaha uu wajahayo.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, sanadka 2030-ka waxaa la filayaa in dhimashada ay bato, waxaana loo baahan yahay 136-kun oo dollar si looga hortago.

"Shantii daqiiqo, 50 qof ayuu Mas-qaniinaa caalamka oo dhan," ayaa lagu yiri warbixinta, oo ku talisay in bini'aadamka u midoobo yareynta khatartani, si aysan u sii baahin dhibaatada hadda jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM