Duqa magaalada New York oo diiday in loo kordhiyo mushaharkiisa
NEW YORK - Gollaha Deegaanka magaalada New York ayaa ansixiyay in 18% lagu kordhiyo mushaharka duqa magaalada New York. Zohran Mamdani oo ka hadlay mushahar kordhinta loo sameeyay ayaa diiday in uu aqbalo, waxa uuna sheegay in aqbalidda mushahar kordhinta ay fariin qaldan u diri doonto shacabka, xilli ay dad badan oo reer New York ah weli la tacaalayaan sare u kaca qiimaha nolosha.
Go’aanka Mamdani ayaa yimi kaddib markii golaha deegaanku u codeeyay in mushaharka sannadlaha ah ee duqa laga dhigo $305,800, halka uu awal ka ahaa $258,750, taas oo noqonaysa kordhintii ugu horreysay ee booskan loo sameeyo ku dhawaad toban sanno.
Zohran Kwama Mamdani ayaa Noofeenbar 2025 noqday muslinkii ugu horreeyay ee maayar ama duq ka noqda New York, tan iyo markii ay NY yeelatay duqii ugu horreeyay sannadkii 1665. Dhanka kale, Mamdani asalkiisu waa Hindi, waxa uuna ku dhashay oo ku koray Uganda, waxa uuna noqonayaa Uganda-Hindigii ugu horreeyay ee NY duq ka noqda.
Waxa uu Mamdani ka tirsan yahay Xisbiga Dimuqraadiga ah isla markaana hore uga tirsanaa Golaha Wakiillada Gobolka NY, markii uu u tartamayay duqa magaalada waxa uu galay olole ballaadhan oo uu ku ballanqaadayay inuu magaalada ka dhigi doono meel ay dadku si jaban ugu noolaan karaan, uuna ballaarin doono helitaanka guryaha, isla markaana yareyn doono sinnaan la’aanta dhaqaale.
Mamdani ayaa diiday kordhinta mushaharkiisa, isaga oo go’aankiisa ku dhawaaqayana waxa uu sheegay in dadka reer NY uusan weligii u sheegin ama ooga ololayn in mushaharka duqa magaaladu uu u yahay mudnaanta koowaad.
Waxa uuna xusay in hoggaanka magaaladu uu diiradda saarayo yareynta culaysyada dhaqaale ee saaran qoysaska shaqeeya. Sharciga cusub ee mushahar kordhinta ayaa weli u ogolaanaya duqa in uu qaato mushaharka kordhay, laakiin Mamdani waxa uu sheegay in uu sii wadi doono qaadashada mushaharkiisii hore ee sannadlaha ahaa.
GAROWE ONLINE