​Duqayn lagu dilay sarkaal katirsan Daacish

Image

Qoraal kasoo baxay Aqalka Gaashaan dhigga Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqayn lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee IS.

Weerarka oo ay fuliyeen diyaaraha dagaalka xukuumadda Washington ayaa lagu dilay Cumar Al-Shishani  oo ahaa Taliyaha Daacish u qaabilsan Galbeedka Ciraaq.

Duqaynta ayaa Pentagon-ka Maraykanku sheegay inay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Al-Shadadi oo ku taal dalka Ciraaq, waxaana fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha wadan ee loo yaqaan Drones.

Hogaamiyaha la dilay ayaa u dhashay dalka Georgia, waxaa la sheegaa inuu ahaa xubnaha fir-fircoon ee katirsan kooxda Daacish iyadoo la aaminsayahay in door muhiim ah ku lahaa weerarada kooxdu ka fuliyaan qaybo kamid ah Bariga dhexe.

Dhinaca Daacish weli arrintaasi kama hadlin.

Shishani, ayaa dhashay sannadkii 1986, wuxuuna aha sarkaal mar katirsan ciidamada waddanka uu kasoo jeedo, balse wuxuu sannadkii 2008 ku biiray kooxaha jihaad doonka ah isagoo la sheegay inuu kasoo qayb qaatey dagaallo ka dhacay dalka Suuriya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM