Duqeymaha Israel ee Gaza oo sababay burburka $322 milyan
QUDDUS, Falastiin - Xafiiska Warbaahinta Dowladda ee Qaza ayaa sheegay in khasaaraha maaliyadeed ah Marinka Gaza soo gaaray intii lagu guda jiray duullaanka Israa’iil hadda ay gaareyso in ka badan $322 milyan.
Ugu yaraan 184 dabacyo waaweyn oo shacab degan yihiin, guryo, iyo 33 xarumood oo warbaahineed ayaa gebi ahaanba la dumiyay, iyadoo khasaarihiisa maaliyadeed ee dhismayaashiisu tahay $92 milyan.
Intaa waxaa sii dheer, sidda ku xusan warbixintadda, in ka badan 1,335 guri oo dad rayid ah degan yihiin ayaa gebi ahaanba ama si xun si xun loo waxyeeleeyay; ilaa 13,000na qayb ahaan waxaa soo gaartay dhibaato.
Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa xustey in 230 Falastiiniyiin ah ay dileen Israa’iil 11-kii maalmood ee la soo dhaafay, kuna jiraan 65 carruur ah iyo 39 haween ah, 1,710 kalena waa la dhaawacay.
Geesta kale, golaha loo-dhan-yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiista maanta ah kulan ka yeeshay duqeymaha Yahuuda ee dhulka Falastiin xilli golaha ammaanka UN-ka uu ku guuldareystay in uu soo saaro war-saxaafadeed wadajir ah oo uu ku cambaareynayo "xadgudubyada Israel" kadib markii Mareykanka uu codka diidmada qayaxan u adeegsaday difaacida iyo is-hor-taagida baaqa xabad-joojinta. In ka badan 200 qof ayaa lagu dilay weerarka dhanka cirka oo bilowdey todobaadkii lasoo dhaafay.
Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa maanta waxay khadka teleefoona kula hadashay madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabaas, iyaddoo kala hadashay xaalada magaalada Gaza.
Labada hogaamiye ayaa taageeray dedaaladda xabadjoojinta. Afhayeenka Markel wuxuu shaaca ka dhigay in mas'uuliyiinta ay isku raaceen in la dedejiyo taageero u raadinta dedaaladan ay wadaan madax badan.
"Ra'iisul wasaaraha waxay hoosta ka xariiqdey in Israa'iil ay xaq u leedahay in ay iska difaacdo weerar sawaariiq kasta oo kaga yimaada Marinka gaza," ayuu qoraal ku yiri Steffen Seibert, oo ah afhayeenka Markel.
Yahuuda ayaa todobaadkii lasoo dhaafay waxay bilowdey duqeymaha Gaza iyo in ay beegsato magaalooyinka Falastiin, waxaana arrintaas si adag uga dhiidhiyey kooxda Xamaas iyo ururada kale ee ka jira gudaha Falastiin.
GAROWE ONLINE