Duqeymaha Yahuuda ee Gaza oo galay maalintii todobaad

Image

GAZA, Falastiin - Yahuuda iyo Xamaas ayaa saacadihii lasoo dhaafay is-weedaarsaday gantaalo kala duwan. Ma cadda khasaaraha duqeymahan cusub oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay.

Colaadda iyo duqeymaha xoogan ee Israa'iil ku hayaan dhulka la haysto ee Falastiin waxay u muuqataa mid galeysa todobaadkii koowaad iyadda oo aysan muuqan ifafaalo ay ku istaagi karto.

Waaxda caafimaadka Falastiiniyiinta oo qoraal soo saartey waxay xaqiijisay dhimashada 149 qof - oo 41 kamid ah ay caruur yihiin. Gudaha Israel waxaa laga soo wariyey geerida todoba ruux.

Sabtidii, Israel ayaa beegsatay xero barakac oo ku taala magaalada Gaza halkaasoo ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah ay ku nafwaayeen. Dhanka kale, banaanbaxyo ayaa ka dhacay magaalooyin waaweyn oo dunida dalacaladeeda ah kana mid yihiin Dooxa, Jerusalem, Baghdad, Odayseh, Brussels, London, Paris, Madrid, Berlin iyo Washington DC.

Isla Sabtidii, hay'addo warbaahineed oo ay ku jiraan Al Jazeera iyo AP ayaa ka dalbadey Israel in ay sharaxaad ka bixiso duqeynta ay ku burburisay dhismaha ay deganaayeen.

Yahuuda ayaa saddex gantaal ku dhufatay dabaqaan 11-ka biyaano ahaa. Khasaaro lama soo warin wali. Balse, waxaa la sheegay in dadkii u dambeeyay oo caruur u badnaa laga saarey 10 daqiiqo kahor duqeynta. Dhismaha wuxuu isugu jiray qeybo ay shacab deganaayeen, mehrado ganacsi iyo xafiisyo.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa wajahaya culeys iyo dhaleeceyn kaga imaanaysa xubno ka tirsan xisbigiisa dimuqraadiga sababo ku aadan taageerada maamulkiisa u muujiyey "xadgudubyada bini'aadanimo" ee Yahuuda ka geysaneyso Falastiin.

Washington waxaa lagu dhaliilay in ay "iska-indhatireyso gabood-falada Israel iyo beegsiga ay ku hayso warbaahinta". Biden oo u dabcey cadaadiskaas wuxuu hogaanka labada dhinac ku booriyey in ay xasarada qaboojiyaan.

Isniinta todobaadii lasoo dhaafay ayay qaraxdey colaadda Gaza markii ciidamadda Yahuuda ay weerareen Masjidka Al Aqsa, waxaana falaas gantaalo uga jawaabay kooxda hubeysan ee Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM