Duulaanka Ruushka ee Ukraine oo mideeyay quwada reer galbeedka
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiistii ku biiray hogaamiyeyaasha reer galbeedka ee ku sugan magaalada Brussels ee dalka Biljimka si ay uga qeyb galaan seddex shir ee looga hadlayo dagaalka Ruushka ee Ukraine.
Bil ka dib markii uu bilowday duulaanka Ruushka, NATO, G7 iyo Midowga Yurub ayaa dhamaantood shirar yeelanaya, taas oo ka dhigeysa midnimo noocan ah in aysan hore u sameynin.
Mr Biden ayaa ka qeyb gali doona seddexdaasiba, waana booqashadii ugu horeysay ee madaxweyne Mareykan ah uu ku tago shirka Midowga Yurub ee Brussels.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa lagu wadaa in uu ooga soo muuqdo dhammaan seddexda shir qaabka fogaan araga. Volodmyr Putin ayaa gaashaanka u daruuray xulafada reer galbeedka ee Nato kuwaas oo cambaareyn badan uu kala kulmaye tan iyo markii uu ku duulay dalka Ukraine.
Jawaabta aan caddeyn ee NATO
Midowga Yurub ayaa isku dayaya in ay gooyaan xiriirka tamarta ee Ruushka, waxeyna u baahan yihiin in ay xoojiyaan cilaaqaadka kala dhaxeeya Maraykanka.
30-ka madaxweyne iyo ra'iisul wasaare ee Nato ayaa meel marin doona qaraar si weyn loogu taageerayo Ukraine iyagoo u diri doono ciidamo cusub wadamada bariga ee ka mid ah xulafada, ujeedadooduna waxa ay ku sheegeen in ay Kyiv u muujinayaan midnimo iyo garab istaag dhab ah.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in ay si weyn uga hadli doonto kulamada G7 iyo Nato kordhinta gargaarka loo fidinayo Ukraine. Isbahaysigu wuxuu sidoo kale caddeeyay in aysan si toos ah ugu lug yeelan doonin, fulinta codsiyada Mr Zelenskyy ee aagga duulimaadyada Ukraine, kuwaas oo soo noqnoqday, si aad ahna la isaga indhatirey.
Sidoo kale, ma cadda sida ay NATO uga jawaabi doonto haddii Ruushku uu si weyn u sii kordhiyo colaadda Ukraine - sida weerar lagu qaado kolonyo hub ah oo reer galbeed ah, adeegsiga kiimikada ama xitaa hubka nukliyeerka ah.
Difaac wadajir ah
30,000 oo ka tirsan ciidamada NATO oo ka kala socda 25 waddan ayaa dalka Norway tababar uga socday todobaadyadii lasoo dhaafay, waxa uuna ahaa shaqooyin la qorsheynayay in muddo ah oo hadda yeeshay micno dheeri ah.
Norway waxay xuduud la leedahay Ruushka, farqiga ugu muhiimsan ayaa ah in ay tahay xubin ka tirsan gaashaanbuurta NATO, taas oo ku qasbeysa in ay gudato waajibaadka "difaaca wadajirka ah.”
Heshiisyada NATO ayaa dhigaya haddii weerar lagu qaado mid ka mid ah in uu ka dhigan yahay in la weeraray dhammaantood. Wiil dhalinyaro Noorwiijiyaan ah magaciisana ku sheegay Peder oo BBC-da la hadlay ayaa yiri.
"Waxay ila tahay in tabarkan oo kale uu aad u wanagsan yahay in la sameeyo, si loogu caddeeyo wadamada sida Ruushka in aanan doonayn in la khalkhal galiyo NATO," ayuu raaciyey.
Hogaamiyeyaasha NATO ayaa diirada saaraya sidii ay u xoojin lahaayeen difaacooda, ayagoo horaan ba u direen dhanka bari ee isbahaysiga kumaan kun oo askari oo dheeraad ah, oo ay la socdaan gantaalada difaaca cirka, maraakiibta dagaalka iyo diyaarado.
GAROWE ONLINE