Xuutiyiinta Taageerada ka Hela Iran oo Qabtay Shaqaale ka Tirsan Qaramada Midoobay

Image

Qaahira, 20 Oktoobar – Kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hela dowladda Iran ayaa Axaddii xabsiga dhigtay ku dhawaad labaatan shaqaale oo ka tirsan Qaramada Midoobay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan hay’addaasi. Arrintan ayaa imaneysa maalin kadib markii ay weerar ku qaadeen xarun kale oo Qaramada Midoobay leedahay oo ku taalla caasimadda Yemen ee Sanca.

Afhayeenka Qaramada Midoobay ee Yemen, Jean Alam, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in shaqaalaha la xiray ay ku sugnaayeen xarun QM leedahay oo ku taalla xaafadda Hada ee koonfur-galbeed magaalada Sanca.

Wuxuu sheegay in dadka la haysto ay ka mid yihiin shan Yemeni ah iyo 15 ajaanib ah oo dhammaantood ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay. Waxaa sidoo kale la sheegay in Xuutiyiintu ay sii daayeen 11 shaqaale kale kadib markii su’aalo laga qaaday.

Afhayeenka ayaa xusay in Qaramada Midoobay ay xiriir toos ah la leedahay Xuutiyiinta iyo dhinacyada kale ee khuseeya, si “si degdeg ah loogu xalliyo xaaladdan halista ah, loo sii daayo dhammaan shaqaalaha la haysto, loona soo celiyo gacanta buuxda ee QM ku leedahay xarumaheeda ku yaalla Sanca.”

Xaaladdan ayaa si weyn uga sii daraysa xaaladda amni iyo shaqo ee Qaramada Midoobay ee Yemen, halkaas oo ay ka waddo dadaallo lagu raadinayo xal waara oo dagaalka sokeeye ee muddada dheer ka taagnaa dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM