Ebrahim Raisi: Waa kuma madaxweynaha cusub ee Iran?

Image

TEHRAN, Iran - Musharaxa sida weyn u baratamay ee Ebrahim Raisi ayaa noqonaya madaxweynaha soo socda ee Iran kadib markii tirinta codadka qeyb kamid ah ay siisay hogaamin aan la saadaalineyn.

Wuxuu kaga adkaaday seddex musharax kale codeyn taas oo dhowr tartameyaal kale loo diiday in ay istaagaan sababo illaa haatan aanan loosoo bandhigin warbaahinta xorta ah.

Mr Raisi waa xaakimka ugu sareeya Iran waxaana lagu tiriyaa mid kamid ah shaqsiyaadka ugu mayalka adag. Waxaa saaran cunaqabateyn Mareykan ah waxaana lala xariirinayaa xukuno dil ah oo horay loogu riday "maxaabiis siyaasadeed".

Madaxweynaha Iran waa shaqsiga labaad ee ugu sareysa wadanka, ka dib hogaamiyaha ugu sareeya kaasoo leh awoodaha ugu badan iyo ka go'aan ka gaarida arrimaha masiiriga ah.

Madaxweynaha wuxuu saameyn muuqata ku leeyahay siyaasada gudaha iyo arimaha dibada. Laakiin Hogaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha gobolka.

Waa kuma Ebrahim Raisi?

Wadaadkan 60-dan jirka ah wuxuu xeer ilaaliye ahaan kusoo qabtay inta badan shaqadiisa. Waxaa loo magacaabay madaxa garsoorka sanadka 2019, laba sano kadib markii uu cod aqlabiyad leh kaga adkaaday Mr Rouhani doorashadii madaxtinimada ee ugu dambeysay.

Mr Raisi wuxuu isu muujiyey inuu yahay shaqsiga ugu fiican ee la dagaalami kara musuqmaasuqa isla markaana xallin kara dhibaatooyinka dhaqaale ee Iiraan haysta.

Si kastaba ha noqotee, in badan oo reer Iiraaniyiin ah iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey doorkiisa dilkii badnaa ee maxaabiista siyaasadeed 1980-yadii.

Iran waligeed ma aysan aqoonsanin xukunada dilka ah Mr Raisi waligiisna kama uusan hadlin eedeymaha ku saabsan doorka uu ku leeyahay taasoo ay si weyn u soo hadal-qaadaan hay'addaha xuquuqda aadanaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Dimuqraadiga Ku Eedeeyay Shilka Diyaaradeed Ee Potomac River

Trump oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in xilligii uu xilka hayay uu sare u qaaday…

  • Caalamka

    30-01-2025

  • 06:27PM

Axmad Al-Sharaa Oo Noqday Madaxweynaha Ku-Meel-Gaarka Ah Ee Suuriya

Qatar, oo taageeraysa maamul cusub, ayaa soo dhawaysay bayaan ay ku sheegtay…

  • Caalamka

    30-01-2025

  • 05:47PM