ECOWAS oo cunaqabateyntii dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha ka qaaday dalka Niger

Image
ECOWAS ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay dalka Niger tan iyo markii uu dhacay afgambiga.

ABUJA (GO) - Ururka ECOWAS ayaa maanta ka qaaday dalka Niger cunaqabateyntii dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee saarneyd, taasi oo looga dan lahaa in lagu joojiyo afgambiga dalkaasi ka dhacay sanadkii hore.

Madaxa ECOWAS, Cumar Aliu Touray, ayaa sheegay in cunaqabateynta laga qaadi doono Niger si degdeg ah, isagoo ku macneeyay in dib loo furi doono xuduudaha iyo hawada, ka dib shirka ururka ay ku yeesheen caasimadda Nigeria ee Abuja.

Touray ayaa u sheegay warfidiyeenka in cunaqabateynta laga qaaday Niger ay ku timid “sababo bini’aadantinimo oo kaliya” si loo yareeyo dhibaatada dalkasa ka taagan.

Waxa uu intaa ku daray: "Waxaa jira cunaqabatayn lagu beegsanayo shakhsiyaad hormuud u ahaa agabiga iyo sidoo kale cunaqabatayn siyaasadeed oo weli socota."

ECOWAS ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay dalka Niger tan iyo markii uu dhacay afgambigii sababay in xilka laga tuuro madaxweynihii la doortay ee dalkaas, Maxamed Bazoum, bishii July ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM