Erdoğan iyo Trump oo wadahadal telafoonka ah yeeshay

Image

ANKARA, Turkey – Recep Tayyip Erdoğan iyo Donald Trump ayaa Isniintii yeeshay wadahadal dhinaca telafoonka, sida ay shaacisay Madaxtooyadda Turkiga.

Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Mareykanka ayaa kawada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka.

Sidda ku cad bayaanka Aqalka looga arimiyo dalka Turkiga, labada hogaamiye ayaa isku raacay in ay iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Erdoğan iyo Trump ayaa is-dhaafsaday aragtiyo ku aadan xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal kaasi oo ku kacaya aduun lacageed dhan 75 bilyan oo dollar.

Ugu dambeyntii, mas'uuliyiinta ayaa isla soo qaadey xiisad ka dhex aloolsan oo ku aadan soo iibashada dalka Turkiga ee diyaaradaha S-400.

Diyaarada S-400 oo leh nidaamka is-difaacid ayaa waxaa farsameeyay Ruushka, iyada oo Mareykanka oo xulafo la ah Turkiga ka carooday arrinkaasi.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa kawada tirsan gaashaanbuurta NATO, oo ay xukuumadda Ankara ka tahay dalka ugu ciidamada badan iyo xubin aad muhiim u ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM