Erdogan oo ku yiri Madaxweynaha Iran: Ku xadgudubka Hawada Turkiga ma lahan wax cudurdaar ah
ANKARA - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadal khadka telefoonka ah la yeeshay dhiggiisa Iiraan Masoud Pezeshkian iyagoo ka wada hadlay isbedelladii ugu dambeeyay ee gobolka, oo ay ku jirto qabashada gantaal ku wajahnaa Turkiga.
Erdogan ayaa Isniintii u sheegay Pezeshkian in ku xadgudubka hawada Turkiga aysan jirin wax loogu cudurdaaro haba yaraatee isla markaana “Turkigu uu sii wadi doono qaadista dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee arrintan ka dhanka ah,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Agaasinka Isgaarsiinta ee Turkiga.
Wadahadalkan ayaa yimid kadib markii Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ay Isniintii sheegtay in gantaal nooca riddada dheer ah oo laga soo riday Iiraan oo soo galay hawada Turkiga ay burburiyeen nidaamyada difaaca hawada iyo gantaallada ee NATO ee ku sugan bariga Badda Mediterranean-ka.
Turkiga ayaa ay “si taban u saameeyay” colaadaha uusan qayb ka ahayn, ayuu Erdogan sidoo kale u sheegay dhiggiisa Iiraan.
Erdogan ayaa adkeeyey in Ankara aysan oggolayn “faragelinta sharci-darrada ah” ee ka dhanka ah Iiraan iyo sidoo kale beegsiga dalalka gobolka ee Iiraan, isagoo intaas ku daray in beegsiga dalalka walaalaha ah “aysan cidna dan ugu jirin” isla markaana “tallaabooyinkaas ay tahay in la joojiya.”
‘Murugo qoto dheer’
Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dib loo furo albaabka diblomaasiyadda, isagoo sheegay in Turkigu si firfircoon uga shaqaynayo fududeynta wada-xaajoodka diblomaasiyadeed ee gobolka.
Intii uu socday wadahadalkan, wuxuu sidoo kale muujiyay “murugo qoto dheer” oo ku saabsan weerarkii dhimashada sababay ee 28-kii Febraayo lagu qaaday dugsi hoose oo ay dhiganayeen gabdho oo ku yaalla magaalada Minab ee koonfurta Iiraan.
Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in Maraykanku “baarayo” weerarka, halka Israa’iil ay diiday inay wax lug ah ku lahayd.
Weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan ayaa bilaabmay 28-kii Febraayo, kuwaas oo dilay hoggaamiyaha ugu sarreeya Ayatollah Cali Khamenei iyo saraakiil sare oo amni.
Erdogan ayaa sidoo kale ku celiyay tacsida uu u diray geerida Khamenei, wuxuuna muujiyay rajada ah in doorashada Mojtaba Khamenei oo noqday hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya Iiraan ay ka qayb qaadan doonto nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Dhankiisa, Pezeshkian ayaa sheegay in gantaallada galay hawada Turkiga aysan ahayn kuwo ka yimid Iiraan isla markaana mas’uuliyiinta Iiraan ay sameyn doonaan baaritaan dhammaystiran oo ku saabsan dhacdada.
XIGASHO: AA