Erdogan oo qaaday tallaabo ka farxisay Dowladda Sweden

Image

ANKARA - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa baarlamaanka Turkiga u gudbiyay galka ku biiritaanka Sweden ee ururka NATO, si uu u ansixiyo.

Madaxtooyada Turkiga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisda “X” ku xaqiijisay in uu saxiixay hab-maamuuska ku biiritaanka Sweden ee NATO bishii Oktoobar 23, 2023 wuxuuna u gudbiyay Golaha Shacabka.

Intii lagu guda jiray shirkii NATO ee Vilnius bishii Luulyo ee la soo dhaafay, madaxweynaha Turkiga wuxuu ogolaaday inuu ansixiyo ka mid noqoshada Sweden ee NATO.

Erdogan ayaa muddo sii waday inuu ku cadaadiyo Sweden inay qaado tillaabooyin ka dhan ah falalka lagu xumeynayo Qur'aanka taasoo keentay inuu xumaado xiriirka labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM