Erdogan oo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ku tilmaamay "Kawaanlaha Gaza"

Image
Yahuuda ayaa weerar cir iyo dhul ah oo aan kala joogsi lahayn ku waday Qaza tan iyo 7-dii October.

ANKARA, Turkey - Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, waa in uu wajaho dacwad ah in uu yahay "dambiile dagaal", ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isaga oo ku qeexay "Kawaanlihii Qaza".

“Ma ogolaanayno in la iloobo arrinta ku saabsan in Israa’iil haysato hubka Nukliyeerka,” ayuu Erdogan ku yiri hadal uu Isniinta maanta ah ka jeediyay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Istanbul.

"Israa'iil kaliya maahan gacan ku dhiigle balse sidoo kale waa tuug" ayuu raaciyay Erdogan oo intaas ku daray "Ma ogolaan karno in Israa'iil ay mar kale qabsato Gaza."

"Waxaa jira qaab-dhismeed caalami ah oo ku shaqeeya rabitaanka dalal dhowr ah, Qaramada Midoobay qaab dhismeedka musuqmaasuqa wuxuu u baahan yahay inuu isbedelo," ayuu tibaaxay.

Ciidamada Israa'iil ayaa dib u bilaabay duqeymaha ay ka geysanayaan Gaza subaxnimadii hore ee Jimcaha todobaadkii hore kadib markii ay ku dhawaaqeen in ay soo afjareen hakinta bini'aadantinimo ee muddo toddobaad ah.

Israa’iil ayaa weerar cir iyo dhul ah oo aan kala joogsi lahayn ku qaaday Qaza ka dib weerar xuduudeed oo ay qaadeen kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas 7-dii Oktoobar.

Tirada dhimashada weerarrada Israel ee Gaza ayaa kor u dhaaftay 15,523 tan iyo markii ay bilowdeen iska-horimaadka 7-dii Oktoobar, Wasaaradda Caafimaadka ee go'doominta Falastiin ayaa ku dhawaaqday Axaddii todobaadkan aan ku jirno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM