EU oo 400 Milyan siinaysa Turkiga

Image

ANKARA, Turkiga - Midawga Yurub ayaa meel mariyay Taageero dhaqaale oo gaaraysa 400 Milyan oo Yuuro taasi oo la siiyo dalalka Turkiga, Roomaaniya iyo Talyaaniga.

Dalalkaan oo kuligood ay saameeyeen isbedelada Cimilada ayaa dalka ugu badan uu yahay Turkiga oo kaligiis la siin doono 400 milyan Yuuro taasi oo wax looga qabanayo dadkii ay saameeyeen Dhul-gariiradi dalkaasi ka dhacay 06 February ee sanadkaan kaasi oo ay ku Geeriyoodeen dad ka badan 50 kun oo qof.

Taageeradaan ayaa la bixinayaa marka ay ansixiyaan Barlamaanka midawga Yurub iyo golihiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM