Facebook oo go'aan ka qaatay Taliban iyo dadka taageera

Image
Twitter iyo YouTube ayaa qudhooda isha lagu hayaa nooca talaabo oo ay ku dhawaaqi doonan.

WASHINGTON, USA - Facebook ayaa waxay xaqiijisay inay u aragto kooxda Taliban inay tahay "urur argagixiso", sidaas darteedna waxay barteeda ka mamnuucday kooxda iyo dhammaan waxyaabaha taageeraya.

Shirkadda oo war-saxaafadeed rasmi ah soo saartey ayaa ka dhawaajisay in ay sameysay koox gaar ah kana kooban khubaro Afgaanistaan ​​ah kuwaasoo dabagalaya isla markaana saaraya fariimahooda.

Facebook ayaa intaas waxay ku dartey in siyaasaddan ay khuseyso dhamaan apps-a kale ee gacansaarka ay la leeyihiin kuwaasoo kala ah; Instagram-ka iyo WhatsApp-ka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira warar sheegaya in Taalibaan ay adeegsaneyso Whatsapp si ay u sameyso xiriiro kala duwan si gaar ah shaqsiyaadka ay u aragto in ay muhiim u yihiin xukunkooda.

BBC -da ayaa warisay in shirkadda Facebook ay qorsheyneyso in ay tallaabo adag ka qaadi doonto haddii ay ka hesho akoonno lagu isticmaalayo app-ka kuwaasoo gacansaar dhow la leh kooxda hubeysan.

Goobaha baraha bulshada ee iska soo horjeeda Facebook-ga sida Twitter-ka iyo YouTube-ka ayaa iyagana isha lagu hayaa sida ay u maamulaan waxyaabaha lagu taageerayo falaagadda Taliban.

Taliban ayaa todobaadkan waxay 20-sano kadib la wareegtay nidaamka maamulka Afghanistan kadib markii ay dhacdey dowladdii Ashraf Ghani kuwaasoo gabi ahaanba isugu jira qaar baxsadey iyo kuwa is-dhiibay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM