Faransiiska: Madaxwayne hore oo xukun lagu ridday
PARIS, France – Madaxweynihii hore ee Faransiiska, Nicolas Sarkozy, ayaa lagu xukumay seddex sano oo xarig ah oo laba ka mid ah shaqo joojin ay tahay, musuqmaasuq awadeed, sidda ay warisay saxaafadda.
66 jirkan ayaa lagu helay dambi ah inuu isku dayay inuu laaluush siiyo garsoore isla markaana uu ku maamuusay shaqo sharaf leh si uu uga helo macluumaad ku saabsan kiis dambiyeed kale oo ka dhan ah Sarkozy.
Waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Faransiis ah oo lagu xukumo xabsi. Garsooraha iyo qareenkii hore ee Sarkozy ayaa isku xukun lagu riday. Dhamaan seddexda eedeysane ayaa la filayaa inay racfaan qaataan.
Go’aankaas ayuu garsooraha magaalada Paris ku sheegay in Sarkozy uu sanad ku qaadan karo gurigiisa isagoo wata astaamo elektaroonik ah, halkii uu xabsi geli lahaa
"Siyaasiga muxaafidka ah wuu ogaa waxa [uu] sameynayay inay khaldanaayeen", ayuu yiri qaadiga, isaga oo intaa ku daray in ficiladiisa iyo kuwa qareenkiisa ay shacabka ka siiyeen "sawir aad u xun oo dhanka cadaalad ah".
Dembiyada ayaa waxaa lagu qeexay inay yihiin ku lug lahaansho iyo ku xadgudub sirta xirfadeed.
Kiiskan wuxuu baal-dahab ka gelayaa taariikhda Faransiiska. Madaxweynaha kaliya ee la maxkamadeeyay kana horeeyay Sarkozy waa Jacques Chirac, oo lagu xukumay labo sano oo ganaax ah sanadkii 2011 kadib markii uu shaqooyin been abuur ah ka abaabulay hoolka magaalada Paris ee xulafada markii uu ahaa duqa magaalada Paris. Chirac wuxuu dhintay 2019.
Nicolas Sarkozy ayaa weyn doona fursad uu xisbigiisa ugu tartami lahaa madaxtinimada doorashooyinka soo aadan. Dabcan waxay ku tahay dharbaaxo, balse waxay kuwa ka dambeeya u noqon doontaa cashar.
GAROWE ONLINE