FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026
Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA, Gianni Infantino, ayaa xaqiijiyay in xulka qaranka Iiraan uu "hubaal" ka qaybgali doono tartanka Koobka Adduunka ee 2026, kaas oo ay wada martigelin doonaan dalalka Mareykanka, Mexico, iyo Canada.
Hadalkan Infantino ayaa soo baxay ka dib markii uu soo baxay shaki ku saabsan ka qaybgalka Iiraan, sababo la xiriira xiisadaha ka dhashay dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan. Infantino ayaa carrabka ku adkeeyay in ciyaaruhu ay tahay inay ka fogaadaan arrimaha siyaasadda, wuxuuna yiri: "Iiraan hubaal way imaanaysaa. Waxaan rajaynaynaa in xilligaas ay xaaladdu noqon doonto mid nabad ah, taas oo hubaal caawin doonta. Laakiin Iiraan waa inay timaadaa, waxay metelaan dadkooda, way soo baxeen, ciyaartoyduna waxay rabaan inay ciyaaraan."
Sidoo kale, FIFA ayaa diidmo ka bixisay codsi ka yimid dalka Mexico oo ahaa in dhammaan kulammada Iiraan loo wareejiyo dhankooda si looga fogaado in Iiraan ay ku ciyaarto gudaha Mareykanka.
Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand, iyadoo ciyaarta ugu horreysa ay 15-ka Juun ka dhici doonto garoonka Los Angeles.
Infantino ayaa intaas ku daray in FIFA ay had iyo jeer u taagan tahay dhisidda buundooyin laysugu keeno dadka, xitaa xilliyada ay jiraan khilaafyada siyaasadeed.
Xigasho: TRT World