Finland: Soomaaligii u horeeyay oo loo dhaariyey Xildhibaanimo

Image
Suldaan Saciid Axmed ayaa rumeysan in guushiisa ay tusaale u tahay jiilka lamidka ah.

HELSINKI, Finland - Suldaan Saciid Axmed ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhaariyay xubin baarlamaan, isagoo noqday sharci-dejiyihii ugu horreeyey ee dalka Finland oo asal ahaan ka soo jeeda waddanka Soomaaliya.

Axmed oo xubin ka noqonaya golaha degaanka caasimada Helsinki wuxuu bedelayaa Paavo Arhinmäki oo ka tagay Baarlamaanka si uu u qaato door ah ku-xigeenka Duqa Helsinki.

Isaga oo la hadlaya Yle News, Axmed ayaa carabka ku adkeeyay in uusan weli "si buuxda u rumaysan karin" inuu hadda yahay xildhibaan sababo ku aadan in ay lama filaan la tahay.

"In aan qaxooti ahaa, in ay u korsatay hooyo kaligeed ah, in aan dhalinyaro ahay, iyo in aad mar uun noqon karo xildhibaan Finland ah, ma ahan wax aan rumeysan karo," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Wuxuu intaas ku daray: "Baarlamaanku ma jirin dad aniga oo kale ah markii aan yaraa". Axmed ayaa damacsan inuu gacan ka geysto "dhisidda Finland wanaagsan" inta uu ku jiro Baarlamaanka.

"Waxaan rabaa Finland oo qof kasta oo dhallinyaro ah, iyadoon loo eegeyn halka uu ka soo jeedo ama meesha uu ka soo jeedo, uu ku gaari karo riyooyinkiisa. Waxaan rajeynayaa in xulashadayda halkan ay fariin u diri doonto dhallinyarada oo ah wax walba ay suurogal tahay," ayuu hoosta ka xariiqay.

Saciid Axmed iyo laba xildhibaan oo kale oo imanaya - Atte Kaleva (NCP) iyo Jari Kinnunen (NCP) - ayaa afhayeenka baarlamaanka, Anu Vehviläinen, (Cen) si rasmi ah wuxuu ugu dhawaaqay inay yihiin Xubin Baarlamaan kulan guud oo galabnimadii Khamiista ah asbuucii hore.

Kaleva iyo Kinnunen ayaa bedelaya saaxiibadii xisbiga Anna-Kaisa Ikonen iyo Juhana Vartiainen, oo noqday barasaabyada magaalooyinka Tampere iyo Helsinki.

Saciid Axmed ayaa ku dhashay Soomaaliya sanadka markii uu ahaa 1993 oo ku beegan laba sano kadib markii uu qarxay dagaalka sokeeye wuxuuna u guuray Finland sanadkii 2008-dii.

Golaha degaanka Helsinki ayaa loogu doortey doorashadii dowladaha hoose ee 2017, isagoo helay in ka badan 1,000 cod oo ah iskoor uusan horey u dhigin Soomaali ka tartamay waddankaas.

Sidoo kale, wuxuu mar kale helay codka kalsoonida shacabka doorashadii ugu dambeysay ee dowladda hoose oo qabsoontey bishii Juun, taas oo u fududeysay guusha markii uu helay codad gaaraya 1,634.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM