France: Imaamka masjid oo loo eryay akhrinta Aayado Qur'aan

Image
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha oo dhaliilay falkan ayaa ku sifeeyay mid salka ku haya Islaam-naceyb. [Photo: AFP]

PARIS, France - Imaamka masaajid ku yaala gobolka Loire ee Faransiiska ayaa shaqada looga eryay amarka wasiirka arrimaha gudaha Gerald Darmanin, sababo la xiriira Aayad iyo Xadiis uu kusoo qaatay khudbadiisii salaadda Ciidul Adxaa "loo arkay inay ka soo horjeedaan qiyamka Jamhuuriyadda France".

Mmadi Ahamada, oo ah imaamka Masjidka Weyn ee Saint-Chamond oo asal ahaan ka soo jeeda Comoros, ayaa soo qaatay Xadiis iyo aayado ku jira Suuratul Axzaab ah kana hadleysa xaasaskii Nebi Muxamed [NNKH].

Kadib Isabelle Surply, oo xubin ka ah Golaha Dawladda Hoose ee Xisbiga Jamhuuriga, ayaa muuqaalka ku faafiyey baraha bulshadda isaga oo ka codsaday Xafiiska Badhasaabka Loire in shaqada laga joojiyo imaamka oo la hubiyo in aan la cusbooneysiinin rukhsadiisa deggenaashaha, iyada oo loo cuskanayo hadaladan "aan la aqbali karin oo kasoo horjeeda sinnaanta jinsiga".

Ahamada oo lahadlaya shabakada Le Progres, ayaa sheegay in hadalada iyo aayadaha ku jiray hadaljeedintiisa qaarkood la qaatay loona isticmaalay si ka baxsan macnaha guud.

Ceyrinta Imaam kale

"Gabdhaheennu maaha inay guryahooda iska joogaan waxay noqon karaan dhakhaatiir, injineero ama duuliyeyaal," ayuu raaciyay. Farriin uu soo dhigay baraha bulshada ayuu maamulka masaajidka ku shaaciyay in imaamkii shaqada laga eryay. Maamulka Loire ayaa ka dhawaajiyey in ay ka shaqeynayaan sidii aan loo cusbooneysiin lahayn sharciga deganaanshiyaha imaamka.

Imaam Mahdi, oo ku dhaleeceeyay labiska dumarka qaar ee Muslimiinta ah khudbad uu ka jeediyay 4-tii Juun Masjidka Gennevilliers ee gobolka Hauts-de-Seine, ayaa sidoo kale looga joojiyay amarka Darmanin.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa sidoo kale ka codsaday gudoomiyaha in uu soo fara galiyo isla markaana uu joojiyo howlaha masaajidka hadii khudbad tan la mid ah lagu celiyo, iyadoo la adeegsanayo aaladaha cusub ee sharcigu ogolyahay "in la xoojiyo ixtiraamka mabaadi'da Jamhuuriyada," taas oo kooxaha xuquuqdu ay sheegeen in ay halis ugu jirto takoor.

Kadib kulan ay yeesheen Maamulka Hauts-de-Seine usbuucii hore Imaamkii waa la ceyriyay, sida ay warisay warbaahinta maxaliga ah oo soo xiganeysa illo iyo qoraalo aysan soo bandhigin.

"Waxaa lagu eryay dalabkeyga"

Darmanin oo markii ugu horeysay si furan uga hadlay qadiyadahan ayaa Jimcadda todobaadkii hore wuxuu ku dhawaaqay gabi ahaanba shaqooyinka Imaamyaddaas xayiraad la saarey.

"Codsigeyga dartiis, 2 imaam oo khudbado aan la aqbali karin ka jeediyay Hauts-de-Seine iyo Loire waa la eryay. Waxaan si hagar la'aan ah ula dagaallami doonnaa kuwa ka soo horjeeda sharciyada iyo qiyamka Jamhuuriyadda," ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Sida laga soo xigtay wargeyska Le Figaro, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bartilmaameedsatay Masaajidka Roubaix kaas oo la sheegay in uusan u oggolaan haweenka tan iyo markii uu billowday faafitaanka COVID-19.

Maamulka gobolka dhaca waqooyyga Faransiiska ayaa wuxuu ka dhowrayaa sharaxaad maamulka masjidka oo ku saabsan sababaha ay u mamnuuceen haweenka, sida uu qoray wargayska.

Islaam naceybka Faransiiska

Gelinkii dambe ee Jimcadii, Garyaqaan Sefen Guez, oo u ololeeya xuquuqda aadanaha, wuxuu ku dhaleeceeyay wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska in uu bartilmaameedsanayo imaamyada isla markaana uu ka codsaday barasaabka in shaqada laga eryo imaamka.

"Masaajidka Saint-Chamond wuxuu xaqiijiyay waxa qof walba ogyahay: imaamyada waxaa magacaaba gudoomiyeyaasha Faransiiska," ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka.

Khabiirka dhanka warbaahinta Sylvain Tirreau ayaa Darmanin ku eedeeyey inuu naceyb u qabo Islaamka wuxuuna sheegay in wasiirka arimaha gudaha uusan ka quusan isku daygiisa ka dhanka ah Muslimiinta.

Dhanka kale, olole codsi ayaa laga bilaabay Faransiiska si loo taageero Mmadi Ahamada. France waa mid kamid ah wadamadda Yurub ee ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan. Hase ahaatee, waxaa aad ugu soo xoogeysanaya naceybka ka dhanka ah Islaamka iyaddoo dowlada ay hormuud u tahay ololahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Dimuqraadiga Ku Eedeeyay Shilka Diyaaradeed Ee Potomac River

Trump oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in xilligii uu xilka hayay uu sare u qaaday…

  • Caalamka

    30-01-2025

  • 06:27PM

Axmad Al-Sharaa Oo Noqday Madaxweynaha Ku-Meel-Gaarka Ah Ee Suuriya

Qatar, oo taageeraysa maamul cusub, ayaa soo dhawaysay bayaan ay ku sheegtay…

  • Caalamka

    30-01-2025

  • 05:47PM