Gabar Soomaali ah kana tirsaneyd howlwadeenada BBC oo dhimatay

Image

LONDON, UK – Gabar Soomaali ah oo wariye ahayd kana tirsaneyd BBC-da qeybta dibadda la hadasha, Hanna Yuusuf, ayaa geeriyootay iyadda oo 27-sano jir ah. Ma cadda illaa iyo hadda waxay dhaliyey dhimashadeeda

Hanna oo ahayd saxafiyad da'yar oo tayo heer sarre leh ayaa kamid ahay qoraayaasha website-ka BBC-da qeybta English-ka. Shaqadeedii u dambeysay waxay ahayd baaritaan ay ku sameysay bakhaarada qaxwadda.

Marxuumadda, oo ahayd mid kamid ah xidigaha soo koraya idaacadda dowladda Ingiriiska hoostaga ee BBC-da, ayaa waxay ku hadli jirtay lix luqadood oo ay kamid yihiin afkeeda hooyo ee Soomaaliya, Carabiga iyo Dutch-ka.

"Akhbaarta ku saabsan geerida waxay murujisay dhamaanteena," sidaas waxaa yiri Fran Unsworth, agaasimaha BBC-da. "Waxaan tacsi u direynaa dhamaan qoyskeeda. Hanna wax badan ayaan tabeynaa".

Sanadka markii uu ahaa 1992-dii ayay ku dhalatay Soomaaliya. Balse waxay u soo wareegeen Ingiriiska kahor inta aysan kusoo barbaarin waddanka Holland.

Cilmiga la xiriira saxaafadda ayay ka baratay Jamaacadda Queen Mary, faracyadeeda wadamadda Faransiiska iyo Spain kahor inta aysan kasoo qalin-jebin City University of London oo ay ka baratay Saxaafada Wargeyska.

Sanadkii 2015-kii, waxay ku dhawaaqday go’aan aad loosoo dhaweeyay oo ku aadan in xiraneyso Xijaabka maadaama kadib markii ay warbaahinta soo gudashay ay gebi ahaanba meesha ka saartay arrinkaas.

La shaqeynta BBC-da oo qaybo kala duwan ay uga soo howlgashay ayay si rasmi ah u bilowday May 2017-kii. Kahor waxay lasoo shaqeysay wargeysyadda caanka kala ah; The Times, The Muslim News iyo Grazia Magazine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM

Go’aanka Trump oo Laga Digay inuu Keeni Karo Khasaaro Ba’an

Saameynta ugu weyn ayaa la arkay cudurrada la iska hortegi karo sida HIV/AIDS oo dhimashadiisu hoos ugu dhacday 74%.

  • Caalamka

    01-07-2025

  • 05:21PM