Gabar Soomaali ah oo xubin ka noqotay baarlamaanka Norway

Image
Marayn Cabdi Xuseen ayaa sheegtay in ay siyaasadda u gashay duruufo haysta bulshada Soomaaliyeed.

OSLO, Norway - Gabar asalkeeda Soomaali yahay ayaa noqotay qofkii ugu horeeyey oo soogalooti Afrikaan ah oo kamid noqda baarlamanka dalka Norway.

Marayn Cabdi Xuseen ayaa sheegtay in ay siyaasadda u gashay duruufo haysta bulshada Soomaaliyeed, ee ku nool Norway, kuwaasoo ay dooneyso inay caawiso.

Waxay xustay inay rumaysan tahay in ay wax ka qaban karto dhibaatooyinka, hadii ay haatan ku guulaysatay inay ku biirto baarlamaanka.

Maryan ayaa u mahadcelisay dhamaan dadka codkooda siiyey, oo aanay Soomaali oo keliya ahayn.

Tani waxay kamid tahay guulaha ay dadka Soomaalida qurbaha ku nool ay ka gaarayaan dhanka siyaasadda dalalka ay ku nool yihiin, iyadoo ay soo badanayaan dadka xilalka qabanaya.

Mareykanka, Canada, Finland, Norway iyo dalal kale oo badan ayay Soomaalida Xildhibaanno ka noqdeen, iyadoo Wasiirka Socdaalka Canda uu mar dhaw ka degay Nin Soomaali ah, Axmed Xasan.

Ilhaan Cumar ayaa waxay kamid tahay baarlamaanka waddanka ugu awoodda badan Caalamka ee Mareykanka oo ay mar labaad loo doortay kursiga Congress-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM