Gabar Wariye ahayd oo lagu toogtay bartamaha caasimadda

Image

KABUL - Saraakiisha Afghanistan ayaa sheegay in Gabar Wariye ahayd lagu dilay magaaladda Kabul ee caasimadda dalkan ay dagaallada la degaan 18 sano ee lasoo dhaafay.

Afhyeen u hadla Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghanistan ayaa xaqiijiyay in Mena Mangal lagu toogtey xaafadda 8aad ee magaaladda Kabul, saacadu markay ahayd 7:20 a.m. shalay waqtiga dalkaasi.

Goobjoogiyaal ayaa sheegay inay arkeen labo nin oo saaran Mooto xilli Mena mangal ay taagnayd meel wadada dhinaceeda ah, oo ay gaari ku sugeysay kahor inta aan la dilin.

Mid kamid ah dableyda ayaa rasaas cirka u riday si uu ukala eryo dad badan oo suuq meesha ku yaalla ku sugnaa, kadibna labo xabadood ku dhuftay Gabadha Wariyaha ahayd, iyadoo rasaasta ka haleeshay xabadka.

Ehelada Mena ayaa sheegay in Gabadhood ay sugeysay Gaari u qaadi lahaa goobteeda shaqada, iyadoo ahayd la taliye dhanka dhaqanka ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka dalka Afghanistan [Wolesi Jirga].

Sawirro goobta laga soo qaadey ayaa muujiyay Meydka Mena oo wadada yaalla, iyadoo wajigeeda dhul dhiigeeda ku daatey ku dhexjira.

Mena ayaa in ka badan 10 sano sii jeediye [Presenter] ka ahayd TV-ka Ariana iyadoo sidoo kale kasoo shaqeysay warbaahino kala duwan oo ka howlgala dalkeeda Afghanistan.

Waxay sidookale lahayd baro Internet oo ugu ololeyn jirtay dumarka iyo gabdhaha waxbarta.

Mena inta aan la dilin, waxay baraha bulshada soo dhigtay in dad aysan aqoon ay dil ugu hanjabeen. Lama oga illaa hadda cida ka dambeysa dilka Gabadha.

Afghanistan ayaa safka horey kaga jirta dalalka lagu dilo suxufiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo Google ku ganaaxay $3.5 bilyan; Trump oo cambaareeyay

Go’aankani wuxuu imaanayaa in ka badan laba sano kadib markii guddigu dacwadda rasmiga ah ka gudbiyay Google.

  • Caalamka

    07-09-2025

  • 06:42AM

Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 11:18AM