Ganaax $1.5 milyan oo lagu riday wiilka wasiirkii saliida Gaddafi
BERN, Switzerland - Maxkamad ku taal Switzerland ayaa Jimcadii ku amartay wiilka uu dhalay wasiirkii hore ee saliidda Muammar Gaddafi inuu bixiyo 1.5 milyan oo doolar sababo la xiriira kiis musuqmaasuq, go’aankaas oo uu qareenkiisu sheegay inuu racfaan ka qaadan karo.
Kiiska la xiriira Mohamed Ghanem, oo ah agaasimaha guud ee bangiga maalgashiga islaamiga ee fadhigiisu yahay Baxrayn iyo wiilka Shokri Ghanem oo ay ku hafteen xaalado layaableh sanadkii 2012, ayaa ah kiis dhif ah oo caalami ah oo lala tiigsado madaxdii xilligii Qadaafi.
Maxkamadda dambiyada ee federaalka waxay sheegtay in xukunkeeda ay ku heshay Ghanem "dambiile laaluush xad dhaaf ah oo uu u fidiyay saraakiil dowladeed oo shisheeye" iyada oo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dhacdada lagu eedeeyay.
Dacwad oogaha kiiskan, Liibiya National Oil Corporation, wuxuu dalbaday $1.5 milyan oo magdhow ah balse maxkamada ayaa laashay waxayna taa badalkeeda ku amartay Ghanem inuu lacagtaas siiyo dawlada Switzerland. Si kastaba ha noqotee, waxay ku amartay inuu bixiyo qarashka NOC, oo lagu qiyaasay 50,000 Swiss francs.
Ghanem wuu diiday eedeymaha loo soo jeediyay, qareenkiisana wuxuu naqdiyey xukunka. Qareenka Ghanem ayaa sidoo kale wuxuu si cad u diiday inuu ka hadlo faahfaahinta kiiska.
"Aniga ahaan waa xukun ku saleysan natiijooyinka qaldan. Waxaana u arkaa xukunkan inuu yahay mid cadaalad daro ah maaddaama aysan jirin dhacdo musuqmaasuq ah," ayuu qareenka Ghanem Jean-Marc Carnicé u sheegay Reuters.
Wuxuu intaas ku daray inuu go'aankaas kala hadli doono macmiilkiisa isla markaana tixgelin doono racfaan. Ghanem oo 44 jir ah wuxuu hada degan yahay dalka Baxrayn halkaas oo uu madax uga yahay Bangiga Kowaad ee Tamarta.
Qareenka NOC isla markiiba kama uusan jawaabin codsi ah in uu ka hadlo xukunka. Afhayeenad u hadashay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa xustey inay ku qanacsan tahay go’aanka, waxayna intaa ku dartay in xukunada noocan ahi ay yihiin kuwo naadir ah.
Dacwad oogayaasha Norway ayaa sanadkii 2012 waxay ku eedeeyeen madaxdii hore ee shirkada sameysa bacriminta ee fadhigeedu yahay Norwey inay laaluush siiyeen saraakiisha India iyo Libya, oo ay ku jiraan qoyska Shokri Ghanem.
Ilo xog ogaal ah kiiska Switzerland ayaa daaha ka rogay in baaritaankan ay qeyb ka tahay lacag la sheegay in laga bixiyay Yara oo lagu shubay akoonka bangiga Switzerland ee Ghanem. Yara waxay qirtay inay bixisay laaluush aan la cayimin sanadkii 2014 waxayna ogolaatay inay bixiso ganaax.
Sanadkii 2016, maxkamad racfaan oo Norwey ah ayaa taageertay xukun dambi ah oo ka dhan ah sarkaalka sharciga u qaabilsan laakiin waxay sii deysay seddex kale oo bixiyey laaluush. Afayeen u hadashay shirkada Yara oo tibaaxdey in kiiska la xiray ayaa ka gaabsatay tafaasiisha.
GAROWE ONLINE