Gandaalo lagu tuuralay Isra'iil

Image

10 Octobar, 2015(GO)-Ciidamada Isra'iil ayaa sheegaya in gantaalo ka yimi dhanka Marinka Gaza lagu tuuray dhul banaan oo ay maamulaan balse uusan gaysan wax khasaaro ah.

Dadka jooga goobaha gantaalada lagu tuuray ayaa Yuhuudu xustay inay uga digeen goobahaasi, baaqyana u direen si ay uga soo baxaan.

Gantaalaha la tuuray, waxay dhaceen saacado ka dib markii lix qof oo reer Falastiin ah dileen ciidamada Yuhuuda.

Qalalaasaha ka dhacaya Falastiin ayaa yimi rabshado ka socday maalmihii la soo dhaafay magalada Qudus, kuwaasi oo ka dhashay masaajidka Al-Aqsa.

Jimcihii, ciidamada israa’iil waxa ay sheegeen in askartooda rasaas ku fureen dhanka xuduudda si ay u kala ceyriyaan boqollaal qof oo dhagxaan tuurayay taayero gubayay, ka dib markii Yuhuudu diiday inay salaada Jimcaha ku tukadaan masaajidka dadka da'doodu ka yartahay 49 sano.

Madaxa ururka Xamaas, Ismail Haniyeh, waxa uu sheegay kacdoonku soo socday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM