Gantaalo lagu weeraray saldhig ciidamada Mareykanka ee Ciraaq

Image
Balse, sarkaal Ameerikaan ah waxa uu sheegay in aanay jirin cid Maraykan ah oo wax ku noqotay.

BAQDAAD, Ciraaq - Sarkaal Maraykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyey in in ka badan shan gantaal laga soo ganay dalka Ciraaq oo ay ku socdeen ciidamada ku sugan saldhigga isbahaysiga ee ku yaal magaalada Rmeilan ee dalka Suuriya, balse waxa uu sheegay in aanay jirin cid Maraykan ah oo wax ku noqotay.

Sarkaalkan oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku tilmaamay dhacdadan weerar gantaal oo fashilmay.

Reuters ayaa sheegtay in ilaa hadda aysan kala cadeyn in gantaalada ay ku dhici waayeen saldhiga iyo in la burburiyay kahor inta aysan gaarin. Sidoo kale ma cadda in saldhigga laftiisa uu ahaa bartilmaameedka.

Weerarka ka dib, sarkaalku waxa uu sheegay in diyaarad ka tirsan isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee Ciraaq iyo Suuriya ay fuliyeen weerar ka dhan ah diyaaradda wax riday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM