Garsoore Mareykan ah oo si Kumeel-gaar ah u Joojiyay Qorshaha Trump ku tarxiilayo Soomaalida
WASHINGTON - Garsoore federaal ah oo ku sugan magaalada Boston ayaa si kumeel-gaar ah u joojiyay qorshe ay soo saartay xukuumadda madaxweyne Donald Trump oo lagu doonayay in lagu soo afjaro barnaamijka badbaadada sharciyeed ee ku dhowaad 1,100 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku nool dalka Mareykanka.
Garsooraha Allison Burroughs ayaa amar ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in ay jirto suurtagalnimo cawaaqib xun oo degdeg ah haddii go’aanka lagu joojinayo barnaamijka Temporary Protected Status (TPS) aan la hakinin inta dacwaddu socoto. Qorshaha ayaa markii hore la filayay inuu dhaqan galo 17-ka Maarso.
Maxkamaddu waxay xustay in dadka dacwoodayaasha ah ay wajihi karaan khataro ay ka mid yihiin xarig, masaafurin, rabshado jireed iyo kala fogaansho qoys haddii dib loogu celiyo Soomaaliya. Dacwadda ayaa waxaa gudbiyay afar qof oo Soomaali ah iyo ururro u dooda xuquuqda soo-galootiga, oo ay ku jiraan African Communities Together iyo PANA.
Dacwoodayaashu waxay ku doodeen in go’aanka maamulka uusan ku dhisnayn xaaladda amni iyo bini’aadantinimo ee Soomaaliya, balse uu salka ku hayo midab-takoof iyo eex ka dhan ah dadka aan caddaanka ahayn. Waxay sidoo kale tusaale u soo qaateen hadallo hore oo ay sheegeen in madaxweyne Trump ka jeediyay Soomaalida.
Dhanka kale, afhayeen u hadlay Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ayaa cambaareeyay amarka maxkamadda, isagoo ku tilmaamay mid uu soo saaray “garsoore dhaqdhaqaaqe ah” oo faragelinaya siyaasadaha socdaalka ee xukuumadda.
Barnaamijka TPS waa nidaam bini’aadantinimo oo si ku meel-gaar ah uga ilaaliya masaafurin muwaadiniinta ka soo jeeda dalalka ay ka jiraan colaado ama masiibooyin dabiici ah, isla markaana u oggolaanaya inay shaqeeyaan. Maamulka Trump ayaa hore u muujiyay qorshe lagu soo afjaro barnaamijkan dalal dhowr ah, halka wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Kristi Noem ay sheegtay bishii Janaayo in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagayso.
Go’aanka garsooraha ayaa ka dhigan in barnaamijka TPS ee Soomaalida uu sii jiri doono inta dacwadda maxkamaddu ka gaarayso xukun rasmi ah.
GAROWE ONLINE