Gaza: Bisha Ramadan oo curatay xilli ay wali jirto go'doominta Yahuuda

Image
Dadaalo lagu doonayo hirgelinta xabad-joojin lix todobaad ah ayaan wali mirodhalin.

DOOXA, Qadar - Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in "gaajo ay ka jirto meel walba oo Qasa ah" iyadoo Ramadaantu ay bilaabatay waxayna ku celinaysaa baaqyo ah "xabad joojin degdeg ah" inta lagu jiro bisha soonka.

Ciidamada Israel ayaa u diiday Falastiiniyiinta in ay galaan Masjidka Al-Aqsa ee ku yaala bariga Quddus ee la haysto maalintii Koowaad ee Ramadaan, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in dhibaatada haysata dadka reer Falastiin ay tahay mid maskaxdiisa ka horreyso, xilli muslimiinta caalamka ay bilaabeen soonka bisha Ramadaan.

Waxa uu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono dadaallada uu ku doonayo in gargaar bini'aadantinimo oo dheeraad ah lagu geeyo Gaza uuna ka shaqayn doono "si aan joogsi lahayn in la helo xabbad joojin degdeg ah oo joogto ah ugu yaraan lix toddobaad" taas oo qayb ka ah heshiis sidoo kale sii daaya maxaabiista ay haystaan ​​Xamaas.

In kasta oo ay jirto cunto la'aan, biyo iyo hoy la'aan, iyo duqeymaha joogtada ah ee Israa'iil oo khatar joogto ah ku ah ammaankooda, haddana carruurta Gaza ayaa weli u dabbaaldegay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan fiidnimadii Axadda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa sheegtay in bisha Ramadaan ee Gaza sanadkan ay noqon doonto "mid aad uga duwan bisha barakeysan sannadihii hore ama meel kasta oo kale oo adduunka ah" marka loo eego burburka dhammaan dhinacyada nolosha ee go'doominta, oo ay ku jiraan tobanaan masaajid.

Dagaalka Israel ee Gaza ayaa sababay dhimashada in ka badan 12,300 oo caruur ah tan iyo 7-dii Oktoobar, sida laga soo xigtay tirakoobyada Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza taas oo tibaaxdey in khasaaraha uu sii badan karo haddii aan la joojin duqeymaha Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lubnaan: Taliyihii Ciidanka Lubnaan Joseph Aoun oo Madaxweyne noqday

Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa taageero siiyay Jeneraalka si uu ugu soo baxo doorashadda Madaxweynaha.

  • Caalamka

    09-01-2025

  • 01:39PM

Maraykanka oo ku eedeeyay Ruushka inuu maalgeliyo labada dhinac ee dagaalka Sudan

Dagaalka Sudan waxa uu noqday midkii ugu dhimashada badnaa, waxayna QM ku qiyaasaysaa illaa 26,000 oo qof in la dilay.

  • Caalamka

    07-01-2025

  • 02:08PM