Gaza: In ka badan 17,000 caruur ah oo waalidkooda waayay

Image
Hay'adda UNICEF ayaa walaac ka muujisay tiraddan sii kordheysa maalinba marka kasii dambeysa.

WASHINGTON, USA - Hay'adda UNICEF ayaa sheegtay in illaa 17,000 oo caruur ah oo ku nool Gaza ay yihiin kuwa aan lala socon ama laga soocay qoysaskooda intii ay socdeen dagaalada.

In ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo barokacay ayaa ka baqaya weerar cusub oo ay soo qaadaan militariga Israel ka dib markii wasiirka difaaca Israel uu ballan qaaday in uu weerarayo Rafah, oo ah aag mar lagu tilmaamay "aag nabdoon".

Geesta kale, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa dhankiisa waxa uu shaaca ka dhigay in dadka Gaza ku dhaqan ay ku nool yihiin "xaalad aan la qiyaasi karin".

Osama Hamdan, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas oo ku sugan Beyruut, ayaa cod dheer waxa uu ku caddeeyay in hindisaha wajiyada badan leh ee mas’uuliyiinta Masar, Israel, Qatar iyo Maraykanka ay toddobaadkan soo saareen ay tahay mid aan la aqbali karin, "sababtoo ah kuma jiraan xabbad-joojin joogto ah".

Dhanka kale, Boqolaal ka mid ah saraakiisha Yurub iyo Mareykanka ayaa qalinka ku duugay warqad ay u direen dowladooda oo ay ku cambaareynayaan dagaalka Israel ee Gaza oo uu ku tilmaameen "mid ka mid ah masiibooyinka bani'aadamka ee ugu xun qarnigan".

Tani ayaa waxa ay dharbaaxo ku tahay taageerada qaar kamid ah wadamada reer galbeedka ay u muujiyeen Yahuuda kadib markii ay xoojisay xasuuqa ay ka geysaneyso dhulka Falastiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM