Geedkii saaxiibtinimada Trump iyo Macron oo dhintay

Image

PARIS, France – Calaamad saaxiibtinimo oo u dhaxeeya labada kamida hogaamiyeyaasha dunida ayuu ahaa balse haatan oo uusan jirin dabar u dhaxeeya, wax badan masii jiro.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa geed yar siiyey dhigiisa Mareykanka, Donald Trump, socdaalkiisii ugu dambeeyay Washington ee sanadkii hore.

Sawirro lagu baahiyey Internet-ka ayaa muujinayey iyaga oo wada beeraya geed kaasi xili xaasaskooda ay daawnayeen.

Geedka ayaa laga soo qaadey Belleau Wood oo dhacda Waqoyga Faransiiska halkaasoo laba kun oo askari Ameerikan lagu dilay June 1918, dabayaaqada dagaalkii koowaad ee aduunka.

Mr Marcon ayaa waqtigaasi sheegay in geedka uu yahay xubin muhiim ah oo laga xusuusan doono Aqalka Cad isla markaana xiriirka labada dowladood uu indho u yahay.

Balse maalmo kadib, geedka ayaa la sheegayaa in laga qaadey goobtaasi isla markaana dibadda loo saarey.

Lama ogga sababta dhabta ah balse waxay soo ifbaxday markii dhamaan nooleyaasha loosoo dhoofiyey Mareykanka la faray in dib loogu celiyo halkii ay asal ahaan ka yimaadeen.

Gerard Araud, danjiraha Faransiiska u jooga Mareykanka ayaa waqtigaasi qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku balanqaadey in dib loo beeri doono.

Balse haatan wakaalada wararka AFP oo soo xiganeysa illo wareedyo dhanka diblumaasiyadda ayaa sheegaysa "in geedka uu dhintay".

Geerida waxay imaaneysaa bilooyin kadib markii cilaaqaadka labada dowladood uu sii xumaanayo aysana muuqan saan-saan wadaxaajood.

Labada madaxweyne ayaa kasoo muuqday isbuucii hore xuskii 75aad ee D-Day taasoo lagu qabtay waddanka Faransiiska.

Macron iyo Trump ayaa u muuqda kuwa aad isugu dhow balse maalinta xaflada waxay timid markii labadooda ay isku maan-dhaafeen dhowr arrimood oo ku saabsan ganacsiga, degaanka iyo heshiiska Nukliyeerka ee Iiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM

Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 08:33PM