Germany: Soomaali weerar mindi ku dilay saddex qof

Image
Image
Image
Image

BERLIN, Germany - Nin tooray watay ayaa magaalada Würzburg ee waddanka Jarmalka wuxuu ku dilay seddex qof dhowr kalena dhaawacay, sida ay Jimcadii, 25-ka June, 2021 sheegeen maamulka deegaanka.

Muuqaalo laga duubay oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada sida Facebook ayaa muujinayay ninkan oo ku hubeysnaa mindi weyn oo ay iska caabiyeen kana adkaadeen dadka wadada marayay.

La tuhunsanaha, oo ah nin Soomaali ah oo 24 jir ah, ayaa laga toogtay bowdada kahor intaan la qaban, sida ay warisay saxaafada maxaliga ah ee Jarmalka kuwaas oo aan shaacin magaca shaqsigan.

Taliska Booliisku oo qoraal kooban la wadaagay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay sheegeen "inuu rabshad iyo maskax ahaan xasilloonaa dhawaana uu helay daaweyn dhinaca maskaxda ah".

"Dhacdada Booliska waxaa lagu soo wargaliyay abbaaraha 17:00 waqtiga maxaliga ah (15:00 GMT), fagaaraha Barbarossa ee xarunta magaalada," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeedka.

Wasiirka arrimaha gudaha gobolka Bavaria, Joachim Herrmann, ayaa u sheegay wariyeyaasha in kuwa dhaawacmay shan ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay "waana hubin doonaa haddii ay badbaadi doonaan".

Eedeysanaha waxaa su’aalo lagu weydiinayaa isbitaalka deegaanka. Saraakiisha ayaa sidoo kale baaraya gurigiisa waxayna baarayaan dadka uu la xiriiray si ay u helaan cadeymo dheeri ah.

Qof goobjooge ah oo ay soo xigatay warbaahinta gudaha Jarmala ayaa ku warramay in tuhmanaha uu ku dhawaaqay "Allah Akbar" intii uu socday weerarka, sida uu tibaaxay Mr Herrmann.

Hase ahaatee, afhayeen u hadlay taliska booliska ayaa xusay in wallow oo tuhmanaha weerarka gaystay uu leeyahay diiwaan dambiyeed, haddana midkoodna dambiyadiisii ​​hore xiriir lama lahayn argagixisanimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM