Ghani oo "ku cararay helikobtar ay ka buuxdo lacag kaash ah"

Image
Wallow aan la ogeyn cadadka lacagta, waxaa lagu qiyaasay in ay gaareyso tanka afar baabuur nooca raaxada ah.

KABUL, Afghanistan - Safaaradda Ruushka ee Kabul ayaa sheegeysa in madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani uu ku baxsadey afar baabuur iyo helikobtar ay ka buuxaan lacag kaash ah oo ay ahayd lama maarmaan in uu ka tago maadaama aysan habooneyn, sidda ay maanta ku warrantay wakaaladda wararka RIA.

Nikita Ishchenko, afhayeenka safaaradda Ruushka ee Kabul, ayaa RIA soo xigatay isagoo leh: "Afarta baabuur waxaa ka buuxdey lacag, waxay isku dayeen inay qayb kale oo lacagta ah ku ridaan helikobtar, laakiin dhammaantood ma wada habooneyn. Lacagtii qaarkeedna waxay ku daadatay laamiga".

Ischenko ayaa hadaladiisa wuxuu u xaqiijiyey wakaaladda wararka ee Reuters. Wuxuu sheegay in uu macluumaadka ka helay "goobjoogeyaal". Dhanka kale, ma jiraan illo wareedyo si madax-banaan u xaqijinaya sheegashadda xukuumadda Mosocow.

Sidoo kale, waxaanan la ogeyn cadadka lacagtan. Ghani waxaa la rumeysan yahay in uu u baxsaday dalka ay deriska yihiin ee Tajikistan halkaasoo ay kaga sii horeeyaan cutubyo kamid ah ciidamadda Afghanistan kuwaasoo waddankaas u galay si ay uga helaan badbaado markii Taliban uga awood-roonaatay iska-horimaadyadda.

Warar soo baxaya ayaa intaas ku daraya in Ashraf Ghani laga yaabo in uu u sii gudbo Mareykanka ama Cumaan. Balse, mas'uuliyiinta ku dhow waxay codsadeen in aan la shaacin goobta uu joogo sababo ku aadan amnigiisa.

Sidee xaalada halkan kusoo gaartey?

Abriil: Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ay ka bixi doonaan Afghanistan laga bilaabo May illaa dhammaadna 11 -ka Sebtember, taasoo soo afjaraysa dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka

May: taalibaan ayaa weerar culus ku qaaday ciidamada Afghanistan ee ku sugan koonfurta gobolka Helmand, waxayna ku duuleen gobollo kale.

June: Ergayga Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan ​​ayaa sheegay in Taalibaan ay qabsadeen in ka badan 50 ka mid ah 370 degmo. Taalibaan ayaa weeraro is xigxigay ka fuliyaY waqooyiga, iskuna fidiyey meelo oo ay kaga xooggan yihiin koonfurta.

21 Luulyo: Taalibaan ayaa gacanta ku dhigtay kala bar degmooyinka dalka, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah

6 Ogosto: Dagaalameyaasha waxay qabsadeen Zaranj oo ku taal koonfurta, oo ahayd caasimaddii ugu horreysay ee mid kamid ah gobolada taasoo noqotay markii ugu horeysay oo magaala madax qabsadaan muddo sannad ah.

Ogosto 13: Afar magaalo goboleed oo kale ayay hal maalin la wareegeen, oo ay ku jirto Kandahar, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn waddankaas

Ogosto 14: Taalibaan waxay qabsadeen magaalada weyn ee Mazar-i-Sharif

15 Ogosto: Waxay qabsadeen magaalada muhiimka ah ee bariga Jalalabad kadib dagaal la'aan, iskuna hareereeyay magaaladda caasimadda ah ee Kabul.

Dhanka kale, hogaanka sarre ee kooxda Talibaan ayaa waxaa u soconaya wadahadalo ay ugu dhawaaqayaan dowlad ku meelgaar ah. Qeyb kamid ah wadaxaajoodyadda waxay ka socdaan Pakistan. Ruushka iyo China waxay taageero u muujiyeen Taliban kahor shirka lagu waddo in golaha ammaanka ka yeesho xaalada dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Falastiiniyiinta oo dib ugu laabanaya waqooyiga Gaza

Israa'iil iyo Xamaas ayaa haatan ku heshiiyay in Khamiista la siidaayo Yehud iyo lahaystayaal kale oo labo ah

  • Caalamka

    27-01-2025

  • 10:55AM

Trump oo ka laabtay canshuur kordhin uu dul saaray Colombia

Colombiya ayaa iyaduna sheegtay in Dowladda Mareykanka ay aqbashay in muwaadiniinta Colombiya ay ula dhaqanto si sharax leh.

  • Caalamka

    27-01-2025

  • 09:25AM