Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz
DOHA – Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa magaalada Doha kula kulantay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadlay dhibaatada dhanka tamarta ee ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil iyo dalka Iiraan.
Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga, kuna dhow halka ay u socoto ee Imaaraadka Carabta.
Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha tamarta iyo tallaabooyinka suurtagalka ah ee looga hortagi karo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay dagaalka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Meloni ayaa u xaqiijisay Amiirka Qatar in dowladda Talyaanigu ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dib-u-habeynta iyo dayactirka kaabayaasha tamarta ee Qatar, kuwaas oo muhiim u ah amniga tamarta ee heer caalami.
Dalka Talyaaniga ayaa si weyn ugu tiirsan tamarta uu dibadda ka soo dhoofsaday, waxaana soo wajahay walaac xooggan oo ku saabsan kor u kaca qiimaha tamarta ka dib markii Iiraan ay xannibtay Marinka Hormuz.
Marinkan ayaa ah marin-biyood muhiim ah oo ay marto ku dhowaad 20 boqolkiiba saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida laga isticmaalo, xirnaanshihiisuna wuxuu saameyn weyn ku yeeshay suuqyada caalamka.
GAROWE ONLINE