Golaha ammaanka oo baaq kasoo saarey xaalka Afghanistan

Image
Dhanka kale, dowladda Ingiriiska ayaa qaban-qaabineysa shir kale oo madaxda dalalka G7 ay yeeshaan.

NEW YORK, USA - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in lagu dhiso wada-xaajood dowladda cusub oo Afgaanistaan ​​ah "iyaddoo la ilaalinayo midnimada iyo matalaada haweenka".

Shir uu golahan ka kooban 15 dal waxaa kasoo baxay dalab ku saabsan in si deg-deg ah loo joojiyo colaadaha iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo in dhammaan dhinacyadu ay oggolaadaan in si degdeg ah, ammaan ah oo aan caqabad lahayn lagu hirgeliyo arrimaha muhiimka u ah xuquuqda bani'aadamnimada.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa damacsan inuu martigeliyo kulan heer sare ah oo hogaamiyaasha G7 si ay uga wada hadlaan xaalada Afghanistan maalmaha soo socda. Wuxuu sidaas ku wargeliyey madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron intii lagu gudajiray wadahadal khadka taleefanka.

Xafiiska Johnson ayaa tibaaxay in labada hoggaamiye ay sidoo kale ku heshiiyeen in UK iyo Faransiisku ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan hindise Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo xeerinaya suurtogalnimada in si wadajir ah loo xaliyo mushkilada.

Geesta kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa khadka taleefanka kaga wada hadlay xaaladda Afghanistan waxayna ku heshiiyeen inay sii wadaan wadatashiyada Shiinaha, Pakistan iyo Qaramada Midoobay, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka.

"Lavrov ayaa sidoo kale taleefan kula hadlay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi waxayna ka wada hadleen isu-duwidda siyaasadda xaaladda Afghanistan iyo saamaynta ay ku leedahay gobolka," ayay tiri wasaaraddu.

Afgaanistaan ayaa wajahaysa hubanti la'aan dowlad rayid ah. Taliban waxay dib ugu soo laabatay 20-sano kadib markii Mareykanka ka tuuray. Wararku waxay xusayaan in ay ku dhawaaqeyso dowlad KMG ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Falastiiniyiinta oo dib ugu laabanaya waqooyiga Gaza

Israa'iil iyo Xamaas ayaa haatan ku heshiiyay in Khamiista la siidaayo Yehud iyo lahaystayaal kale oo labo ah

  • Caalamka

    27-01-2025

  • 10:55AM

Trump oo ka laabtay canshuur kordhin uu dul saaray Colombia

Colombiya ayaa iyaduna sheegtay in Dowladda Mareykanka ay aqbashay in muwaadiniinta Colombiya ay ula dhaqanto si sharax leh.

  • Caalamka

    27-01-2025

  • 09:25AM