Talaabo uu qaadey Turkiga oo si weyn loo cambaareeyay

Image

NEW YORK, USA — Golaha Ammaanka ee QM ayaa Jimcihii cambaareeyay qorshaha ay dowladda Turkey iyo hoggaamiyeyaasha Turkish-ka ah ee waqooyiga Qubrus ku doonayaan in ay qeyb ahaan dib ugu furaan magaalada cidlada ah ee Varosha, wuxuuna Goluhu ku baaqay in si dhakhsa ah tallaabadaasi looga laabto.

Maamulka Turkish-ka ee Qubrus oo ay Ankara taageerto ayaa Talaadadii sheegay in qeyb ka mid ah magaalada Varosha oo ah aag militari iyo qeyb la sheegay in dib loogu celiyo Qubrus-ta Giriigga ah ay hoos geyn doonaan maamul rayid ah, islamarkaana ay u furi karaan dib u dejin.

“Golaha Ammaanku waxa uu si degdeg ah ugu baaqayaa in dib looga laabto tallaabadan iyo dhammaan tallaabooyinka ku saabsan Varosha ee la qaaday ilaa bishii October ee 2020-kii,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay golahan ka kooban 15-ka dal.

Tallaabada ay qaadeen Qubrus-ta Turkiga ah ayaa sababtay fal-celin caro leh oo ka timid dowladda caalamku aqqoonsan yahay ee Qubrus-ta Giriigga ah, waxaana sidoo kale diidmo kala horyimid quwadaha reer galbeedka, oo uu ugu horreeyo Mareykanka oo ku tilmaamay tallaabadan “mid aan la aqbali karin.” Turkiga ayaa dhegaha ka fureystay dhaliilaha loo jeedinayo.

“Golaha Ammaanku waxa uu hoosta ka xarriiqayaa baahida loo qabo in laga fogaado ficil kasta oo hal dhinac ah oo aan waafaqsanayn go'aannadii Golaha, taasi oo xiisad ka abuureysa jasiiradda islamarkaana waxyeellaynaysa rajada laga qabo in heshiis la gaaro,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Golaha Ammaanka.

Qybrus ayaa Arbacadii codsi ka dhan ah go’aanka uu qaaday maamulka Qubrus-ta Turkish-ka ah u gudbisay Golaha Ammaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkey ayaa diiday baaqa ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo dalal kale oo dhowr ah, waxayna sheegtay in ay yihiin sheegashooyin aan sal laheyn, islamarkaana aan waafaqsaneyn xaqiiqoyinka ka jira Qubrus.

“Bayaannadani waxa ay ku saleysan yihiin dacaayadda Qubrus-ta Giriigga ah, iyo sheegasho aan sal laheyn,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Turkey.

REUTERS

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM