Golaha ammanka Qaramada Midoobay oo ansixisay in la weeraro Daacish

Image

21 November, 2015(GO)-Qaraar uu soo gudbiyay dalka Faransiiska ayaa waxaa qalinka ku duugay gola ammaanka ee jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxuuna uu ogolaanayaa in la weeraro ururka Daacish oo weeraro ismiidaamin ah ka gaystay todobaadkii la soo dhaafay dalka Faransiiska.

Weerarada Kooxdan ayaa cabsi ku abuurtay waddamada waaweyn ee qaaradda Yurub, waxaana qaraarkani noqonayaa mid lagu doonayo in dunida looga sifeeyo ururka la magac baxay dowladda Islamiga ee Dacish oo fadhiyo waaweyn ku leh waddamada Ciraq iyo Suuriya.

Dalka Rushka oo garab millatari siiya dowladda Suuriya iyo Faransiiska ayaa iska kaashanaya duqayn dhanka cirka oo lala beegsado ururkaasi.

Lama garanayo in qaraarkan wax ka badali doono falalka ismiidaminta iyo dilaalka isugu jira ee kooxdan ka gaysanayso qaaradda Yurub, balse ururkan ayaa si xowli ah ugu sii fidaya caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM