Golaha Wasiirada Israel oo si rasmi u diiday in la dhiso dowlad Falastiin ah

Image
Golaha ayaa ku dhawaaqay saxiixa dukumeenti diidaya aqoonsiga dowladda Falastiin.

Qasa (GO) - Golaha Wasiirada Israel ayaa maanta ku dhawaaqay saxiixa dukumeenti diidaya aqoonsiga dowladda Falastiin.

Golaha Wasiirada ee Israel ayaa ku sheegay qoraal ay soo dhigeen barta "X", "Aqoonsiga Falastiin xilligan ka dib weerarkii 7dii Oct waxay ka dhigan tahay abaal-marin aad u weyn oo la siinaayo argagixisada, taas oo ka hortagaysa wax kasta oo heshiis nabadeed mustaqbalka ah in la gaaro.”

Goluhu waxa uu intaa ku daray, "Israa'iil waxay si cad u diiddan tahay xeerarka caalamiga ah ee ku saabsan in heshiis joogto ah lala sameeyo Falastiiniyiinta, maadaama heshiiskan oo kale lagu gaari doono wadaxaajood toos ah oo dhexmara labada dhinac, iyadoon wax shuruud ah lagu xirin."

Netanyahu ayaa shirka Golaha Wasiirada ku sheegay in tallaabadani ay imaanayso ka dib isku day ay beesha caalamka ku doonayso in la dhiso dowlad Falastiin ah iyada oo aan israa’iil oggoleyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM