Hadaladii ugu dambeeyay ee Jamal Khashoggi oo lasoo bandhigay

Image

ANKARA, Turkiga – Jamal Khashoggi ayaa bishii October ee sanadkii 2018-kii waxaa Qunsulyadda xukuumada Riyadh ee Istanbul ku dhex-khaarijiyey cutubyo kamid ah sirdoonka dalka Sacuudiga.

Wargeyska Daily Sabah ayaa wuxuu soo bandhigay codad ay duubeen cod-baahiyeyaal daahsoon oo uu leeyahay mukhaabaraadka Turkiga kuwaasi oo muujiyey qaabka ay wax u dhaceen.

Waa markii ugu horeysay oo si rasmi ah loo baahiyo macluumaadka ku jira codadkaasi, wallow hore loo shaaciyey in la hayo.

Codadka ayaa waxaa kasoo muuqday laba ruux, kuwaasi oo ka hadlaya qaabka ay u jar-jari doonan jirka Khashoggi kadib geeridiisa.

Gabagabada wada xaajoodka, midkood ayaa wuxuu waydiin doonaa kan kale, hadii "xoolo loogu abaalmarin doono" kadib falkan.

Sidda ku xusan codadka, Khashoggi ayey kadib ku amrayaan in uu wiilkiisa u sheego in uu bad-qabo, balse waa uu ka diidayaa, iyaga oo intaasi kadib horkeenaya Boorso ay madaxa u gelin doonan.

Marka sidaasi lagu sameeyo waxa uu ku oran doonaa: "Ha sameynina sidaan, neefta ayaa igu xirmeysaa". Hase ahaatee, dheg-jalaq uma siinayan.

Iyadda oo wada hadalkoodu yahay in ay kusii xiiraan Boorsada ayna is waydiinayan hadii uu wali dhaqdhaqaaqayo, codad neefasho ah iyo iska caabin ayaa waxaa la maqlayaa ka gedaal.

Kadib marka ay nafta ka baxdo, kooxda ayaa bilaabeysa in ay jarjaraan jirkiisa oo qaadaneysa muddo 30-daqiiqo ah. Kadib marka ay jarjaraan waxay ku ridayaan Boorso laga saarey safaarada. Haraaga wali lama helin.

Howlgalkan oo la rumeysan yahay in ay fuliyeen koox tirro ah ayay codku muujinayan in midkood isaga oo jarjaritaanka wada uu dhageysanayo Hees, uuna cabayo Sigaar iyo Kafey.

Dilka wariyahan oo xiisad diblumaasiyadeed abuuray ayaa waxaa lagu eedeeyay Sacuudiga, wallow ay dafireen, haddana Qaramada Midoobay waxay soo jeedisay baaritaano dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM