Hadaladii ugu dambeeyay ee ra'iisul wasaarihii la dal-dalay ee Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Cadnaan Menderes waxa uu ahaa ra'iisul wasaarihii ugu horeeyay ee Turkiga kaasoo si dimoqraadi ah loosoo doorto kadib markii xisbigiisa Republican People's Party [CHP] xukunka hayey tobanaan sano.

Eedeymo beeni abuur ah oo ku saabsan in ay ku xadgudbeen Dastuurka ayna ku tagrifaleyn dhaqaalaha dowladda ayaa keentay in isaga iyo mas'uuliyiin kale maxkamad milatari lagu soo taago oo ku taala koonfur-bari Istanbul.

Shaqsiyaadka kale waxaa kamid ahaa; madaxweyne Celal Bayar, wasiirka arrimaha dibadda Fatih Rustu Zorlu, wasiirka maaliyada Hasan Polatkan, Menderes iyo xubno kale oo xisbigada dimoqraadiyada ka tirsanaa.

Afartooda waxaa lagu xukumay xukun dil oo dal-dalaad ah. Kaliya madaxweyne Bayar ayaa xorriyadiisa dib loogu celiyay da'diisa oo sareysay awgeed.

Dhibanayaashaasi waxaa galaaftay in-qilaab milatari oo wadankaasi ka dhacay. Sanadkan 2019, malaayiin Turki ah oo dalka naafihiisa ku nool ayaa xustay geerigooda.

Hadaba, waxaan halkaan idin kugu haynaa qayb kamida hadaladii ugu dambeeyay ee uu jeediyay ra'iisul wasaarihii la dal-dalay ee Turkiga, Cadnaan Menderes, kaasi oo bud-dhig u ahaa dimoqraadiyada hada ka jirta Turkiga.

Markii guuto kamida ciidamada ay akhrinayeen xukunka dal-dalaada ah, waxaa wajigiisa ka muuqatay xasilooni iyo awood, sida ay sheegaan waaya-joogii hore.

Isaga waxa uu kaliya yiri "ALLE ha badbaadiyo qarankeena".

Kaliya si ay u bahdilaan ra'iisul wasaaraha la doortay, ciidamada ayaa amar ku bixiyey in xariga qoorta loo geliyo kahor inta aysan dal-dalin.

Kadib markii ay intaasi sameeyeen, waxay u sheegeen in uu dadweynaha u jeediyo kalmadiisii ugu dambeeyay kahor inta uusan dunida ka tegin.

"Xiligaan aan aadka ugu dhowanahay in aan nolosha sii mac-salaameynayo, u sheega reerkeyga iyo caruurteyda in aan u xusuusan doono si naxariis leh. ALLE ha u barakeeyo dalkeyga iyo qarankeyga, barwaaqada waarta," ayaa laga diiwaan-geliyey.

Erayadii ugu dambeeyay ee 62-jirkan aabaha iyo halyeeyga qaran  u ahaa Turkiga kahor inta aan la dilin 17-kii September 1961-dii, ayaa dareen gaar ah ku reebay shacabka Turkida, oo wali ku nool qariiradiisa siyaasadeed iyo tan bulsho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM