Halkee ayuu maraya dagaalka Israa’iil & Falastiin?

Image

QUDUS - Xaalada dadka ku sugan marinka ee Qaaa ayaa weli ah mid adag toban maalin ka dib markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo kooxaha Falastiiniyiinta, iyadoo dagaalkan uu sababay dhimashada boqolaal qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen kumanaan kale.

Dagaalkan ayaa dhaliyay falcelinno kala duwan, waxaana ka hadlay hoggaamiyeyaasha caalamka oo uu ka mid yahay Ra'iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak oo sheegay in lix muwaadin oo u dhashay dalkaas dilay weerarrada Xamaas, 10 kalena la la'yahay.

Dhanka kale, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu taageersan yahay xaqa ay Israa'iil u leedahay in ay is difaacdo inta uu ku guda jiray booqashadiisa ee dalkaas.

Halka Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, uu dhankiisa ka digay in qabsashada Israel ee Qasa ay tahay "khalad weyn", Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Amir Abdollahian ayaana ku raacay arrintaas isaga uu ka digay in dagaalka uu wadamo kale ku fido.

Docda kale, waxaa weli socda wadahadallada ku saabsan furitaanka xadka Masar uu la wadaago Qasa si loo gaarsiiyo dadka marinka ku nool gargaarka, inkastoo aysan weli muuqan inay Israa’iiliyiintu aqbali doonaan.

Ugu yaraan 2,800 oo falastiiniyiin ah ayaa la dilay ilaa hadda, sida uu sheegay maamulka Qasa. Saddex meelood labo meel ayaa la rumeysan yahay inay yihiin haween iyo carruur, halka ku dhawaad ​​hal milyan oo qof ay ku barakaceen marinka, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.

Dhanka kale, In ka badan 1,400 oo Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay, waxaana maamulka Israa’iil ay sheegeen in Qasa lagu haysto 199 la haystayaal ah. Israa’iil ayaa ciidamadeeda ku wadda xuduudda marinka, si ay ugu diyaar garoobaan duulaan dhulka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM