Magaca haweenay Soomaali ah oo ku dhimatay duqeyntii Libya

Image

TRIPOLI, Libya – Haweenay Soomaali ah ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey in ay kamid ahayd in ka badan 40 ruux oo ku geeriyootey duqeyntii todobaadkan ka dhacdey Tripoli, caasimadda Libya.

Weerarka cirka oo aanan weli la kala caddeyn cidda ka dambeysay ayaa lagu beegsaday xarun lagu hayey dad soo galooti ah, kuwaasi oo ay gacanta ku hayeen hay’addo gargaar oo caalami ah.

Najaax Cabdi Sugaale ayaa waxaa lagu waramayaa inay ka timid gobolada Somaalida ee hoostaga dowladda Itoobiya.

Warbixinadda ayaa waxay intaasi ku daraya in marxuumadda ay geeriyootay ka gedaal markii uu kusoo baxay darbi.

Safaarada Soomaaliya ee Tripoli ayaa laga soo xigtay in ay suurtogal tahay in ay korodho tiradda dhimashadda balse ay baaritaano wadaan.

Libya, dal ay colaado ka jiraan tobanaan sano, ayaa waxaa gacan ku hayntiisa isku haya falaago uu hogaamiyo Jenaraal lagu magacaabo Khaliif Xaftar iyo dowlad uu caalamku aqoonsan yahay.

Qaramadda Midoobay ayaa duqeynta lagu beegsaday xaruntaasi qaxootiga ku jireen ku tilmaamtay "dambi dagaal".

Libya waa mid kamid ah marinada ay adeegsadan dadka ka cararaya wadamada ay dagaaladu ka jiraan oo ay Soomaaliya kamid tahay kuwaasi oo doonaya in ay qaaradaha kale ka helaan nolol fiican.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM